Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa ku jira isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta halkaasoo looga daweynayo xanuun lasoo gudboonaaday.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa wariyeyaasha ugu sheegay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho inuu ku booqday madaxweynihii hore isbitaalka uu ku jiro.
"Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaan ugu tagay isbitaal Dubai ku yaalla oo lagu daweynayo, xaaladdiisana waa iska fiicnayd, waxaana weydiiyay inuu iska cafiyo dadkii ay isqabteen isagana la cafiyo, dalkana uu u soo duceeyo," ayuu yiri Shariif Xasan.
Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa xilka madaxweynimo ee Soomaaliya qabtay sannadkii 2004, isagoo lagu doortay shir ay dhinacyada Soomaalidu ay ku yeesheen Kenya, isagoo xilka ka dagay sannadkii 2008 markaasoo ay wadahadallo awood-qaybsi ah uga billowdeen Isbahaysigii dib u xoreynta iyo dowladda KMG ah ee uu isagu ka ahaa madax.
Dhanka kale, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inay u qorsheyn tahay inuu booqdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay toddobaad ka hor kala wareegeen ciidamada dowladda KMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM.
Afhayeenka baarlamaanka wuxuu sheegay inuu sidoo kale isku diyaarinayo inuu ka qaybgalo doorashada madaxweynimo ee Soomaaliya marka uu dhammaado xilliga KMG ah ee dowladda hadda jirta oo ku eg bisha Ogoosto ee sannadkan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya