Dowladda Jabuuti oo beenisay in Xarakada Al-shabaab ay dileen laba ka mid ah ciidamadooda ka tirsan AMISOM

Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya, Dayid Dubad Rooble oo maanta saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ahaa inay dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay ku dileen laba ka tirsan askarta dalka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM lix kalena ay ku dhaawaceen.

Dajire Dubad ayaa sheegay inaysan jirin askar looga dilay Muqdisho, sidoo kalena aysan askartoodu billaabin wax howlgallo ah, isagoo sheegay inay xusuustaan in Al-shabaab ay baahisay bishii Jannaayo ee sannadkan inay ciidamada Jabuutu duqeyn u geysteen masjidka Al-hidaaya halkaasna ay ku laayeen culummmo.

"Ma ahan markii ugu horreysay ee ay hadalkan oo kale faafiyaan, waxaan xusuusan-nahay in bishii koowad ee sannadkan ay baahiyeen hadal been abuur ah oo ahaa in ciidamada Jabuuti ay duqeeyeen masjidka Al-hidaaya ayna ku laayeen culummo," ayuu yiri dajiraha Jabuuti ee Soomaaliya.

Safiirku wuxuu sheegay in Al-shabaab la garanayo hadalladaan inay ku doonayaan inay ku dhaleeceeyaan ciidamada Jabuuti, isagoo intaas ku daray in markii ay awood ahaan laciiftay ay ay doonayaan inay isticmaalaan dariiqado kale oo ay ku marin habaabiyaan rayiga guud ee dunida.

"Ciidanka Jabuuti waxay ku jiraan isdiyaarintii weli howlgallo ciidankeennu ma bilaabin waayo tiradooda lama soo dhameystirin, waxaana maleynaynaa inay Xarakadu habowday ayna is-moodsiiyeen inay la dagaalamayaan ciidamada Jabuuti," ayuu mar kale yiri danjiraha.

Sidoo kale, safiirku wuxuu soo dhaweeyay dagaallada ay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM kula jiraan Al-shabaab, isagoo sheegay in ciidamada AMISOM ay ka shaqeynayaan sidii lagu soo celin lahaa ammaanka Soomaaliya iyaguna ay bogaadinayaan.

Dhanka kale, wuxuu madaxda Soomaalida ka codsaday inay iska ilaaliyaan khilaafka mararka qaarkood soo baxaya ee u dhexeeya, isagoo xusay in khilaafaadyadu ay sababi karaan inuu dib u dhac ku yimaado howlihii lasoo qabtay, isagoo sheegay inay rajeynayaan in khilaafyada jira la xalliyo lana isku duubnaado lagana shaqeeyo nabadda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya