
Isniin, Maarso 05, 2012 (HOL) — Naadiga hal-abuurka iyo qalinleyda Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen ayaa shalay ku qabtay Muqdisho xaflad ay ku xusayeen maalinta caalamiga ah ee afka hooyo iyo sannadguuradii 40-aad ee kasoo wareegtay qoraalka af-Soomaaliga.
Xafladdan oo ka dhacday Hotel Amiira ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas'uuliyiin uu ka mid ahaa guddoomiyaha naadiga Somali Pen, Aadan Xasan Aadan (Beleloo) iyo ku xigeenkiisa, Cumar Bile, waxaana sidoo kale goobjoog urrurada bulshada iyo dadweyne kale.
Ugu horreyn waxaa halkaas hadal ka jeediyay madaxa Naadiga Somali Pen Laantiisa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, C/naasir Yuusuf Macallin isagoo sheegay in xafladdani ay isugu jiro laba munaasabadood oo kala ah: Maalinta Afka Hooyo iyo Sannadguuradii 40-aad ee qoraalka af-Soomaaliga.
"Naadiga Somali Pen waa mid u taagan horumarinta iyo hal-abuurka af-Soomaaliga. Waxaana qabashada xafladdan suurogeliyay shirkadda isgaarsiinta Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya Soomaaliya," ayuu yiri C/naasir Ganey oo sidoo kale u mahadceliyay hay'adaha: IIDA, SWA, INXA, SOYDEN, SFCC, SYPDO, Tubta Nabadda iyo barayaasha jaamacadda Muqdisho.
Guddoomiyaha Naadiga Somali Pen, Aadan Beleloo oo isna xafladda ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaanshiyaha Soomaaliya iyo ka qaybgalka munaasadaha qiimaha badan, isagoo sheegay in ilaalinta afka Soomaaliga ay mas'uul ka yihiin dadka Soomaaliyeed oo dhan.
"Laanta Koonfurta Soomaaliya waxay weligeedba hormuud u ahayd laamaha ay ka kooban tahay Somali Pen, maantana waxay xaqiijiyeen riyooyin aan ku riyoon jirnay," ayuu yiri Aadan Beleloo oo si gaar ah mahad ugu celiyay mas'uulinta laanta Koonfurta Soomaaliya ee Somali Pen.
Sidoo kale, Aadan Beleloo wuxuu u mahadceliyay madaxweyanha Jamhuuriyada Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo uu sheegay inuu mar walba u taagan yahay sidii lagu horumarin lahaa afka, dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.
Prof. Mustafa C/llaahi Cali (Dheeg) oo bare ka ah jaamacadda Muqdisho oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in luuqadda Soomaaliga ay ka mid tahay 12-ka luuqadood ee loo aqoonsaday in looga hadlo Qaaradda Afrika, isagoo xusay inay ku muteysatay horumarka ay muddada yar ku sameysay.
"Luuqada Afrika looga hadlo waa kuwo badan, waxaana luuqadda Soomaaligu ay ka mid noqotay 12-ka luuqadood ee guddiga afafka Midowga Afrika ay u aqoonsadeen inay tahay luuqad lagu barto suugaanta iyo tacliinta," ayuu yiri Mustafa Dheeg.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in luuqadda Soomaaliga oo ay ku hadlaan 25-milyan oo qof loona aqoonsaday inay tahay luuqad isaga tallowda xuduudaha, isagoo xusay in loo baahan yahay in xoogga la saaro sidii caruurta Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhashay loo bari lahaa afkeenna hooyo iyo dhaqankeennaba.
Gabagabadii xafladda ayaa waxaa shahaado sharafyo la guddoonsiiyay shaqsiyaad, qorayaal iyo hay'ado la sheegay inay qayb weyn ka qaateen horumarinta af Soomaaliga.
Shaqsiyaadka la siiyay shahaadooyinka waxaa ka mid ahaa: Qoraa; C/raxmaan Xuseen Samatar (Abuu-Xamza), Dr. Jaamac Muuse Jaamac, Universal Tv, Jubba Radio, Cismaan Muxyadiin Shaatax (Tahliil) oo ah guddoomiyaha hay'adda SOYDEN oo u dhaqdhaqaaqda isku xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed. 






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya