
Arbaco, March 28, 2012 (HOL) - Shir ballaaran oo isugu yimaadeen culumaa'udiinka,ganacsatada iyo siyaasiyiinta beesha Samawadal ee uu kasoo jeedo wasiirka difaaca ee dalka Kenya Yuusuf Xaaji ayay ku sheegeen inay u sharraxeen jagada Senetor ee aqalka sare ee baarlamaanka Kenya.
Dastuurka cusub ee dalka Kenya ayaa lagu qeexay in Kenya uu gobol walba kasoo gali doono 2 Senetor , taasoo noqonaysa in gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo kamid ah 8 gobol ee Kenya uu hali doono 2 Senotor.
Waxaana beesha Samawadal oo horay shirar ugu soo qabatay Gaarisa iyo Masallaani ay shir sadexaad ku qabteen magaalada Nairobi, kaasoo ay ku caleema saareen wasiirka Gaashaandhiga Kenya Yuusuf Xaaji ahna xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Ijaara.
Shirkan oo ka dhacay hotelka Andulus ayaa waxaa isugu yimid culumaa'udiinka iyo cuqaasha beesha uu kasoo jeedo wasiirka gaashaandhiga.
Waxaana gabagabadii shirka goobtaas laga akhriyay warsaxaafadeed ay ku saxiixanyihiin boqollaal culimo iyo ganacsato isugu jira oo ay ku cadaynayaan inay sharraaxeen xildhibaan Yuusuf Xaaji.
Gudoomiyaha golaha muslimiinta Kenya ee SUPKEM u qaabilsan gobolka waqooyi bari Sheekh C/laahi Siraad oo akhriyay warsaxaafadeedka ayaa ballan qaaday inay garab istaagi doonaan Yuusuf Xaaji oo uu ku tilmaamay inuu yahay nin u soo adeegay shacabka Kenya iyo kan gobolka waqooyi bari.





Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya