Shir looga dooday Midnimida Ummadda Soomaliyeed

Waxaa Maarso 24, 2012 shiir ku qabtay magaalada Ottawa Golaha Midnimida Qaranka Soomaliyeed oo ay xaruntiisu tahay Ottawa, Canada. 

Goluhu wuxuu ummadda ugu baaqay in laysku tashado  lagana wada shaqeeyo dib-usoocelinta Qarankii Soomaliyeed iyo ka wada shaqeynta nabaada iyo horumarka dalka.

Goluhu wuxuu dadka ku booriyay in Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan loogu baaqo cafis guud iyo inay ka shaqeeyaan midnimo iyo wax wada qabsi. Goluhu wuxuu ka codsaday jaaliyadaha Soomaliyeed ee degan dalalka  dibadaha inay joogteeyaan kaalmada iyo mashaariicda horumarineed ee ay ka wadaan wadanka gudihiisa.

Goluhu wuxu codsaday kuna baaqay in xalka Soomaliyeed uu ku jiro, laguna gaari karo oo kaliya wadatashi guud iyo talo wadaag Soomalliyeed.

Munaasabadaas waxa laga soo jeediyay doodo ay ka soo qaybgaleen dadweynuhu oo ay ka mid ahaayeen:

Taariikhda Midnimida Qaranka Soomaliyeed

Suugaanta iyo Halganka Soomaaliyeed, Dowrka Dhallinyarada iyo, Asalka Dhibaatada Soomaaliya.



Gunaanadki shirka Golaha Midnimada Qaranka Somaaliyeed wuxuu soo saray qodobo muhuima oo khuseeya xaalada Soomaaliya.

1.  Goluhu wuxuu ummadda soomaaliyeed ugu baaqay in Soomaali isku tashato kana wadashaqeeyso, Dib-u soo celinta Qaranki Soomaaliyeed,

2.  Kashaqeeynta Nabadda iyo Horumarka dalka oo laga wada shaqeeyo (biyo sacabadaada yaa looga dherga)

3.  Goluhu wuxuu ka codsaday Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan dalalka dibadaha inay joogteyaan kaalmada iyo mashaaricda horu-marineedee ay ka wadaan dalka gudihiisa

4.  Ugu danbeyn Goluhu wuxu codsaday kuna baaqay in xalka Soomaaliyeed uu ku jiro laguna gaari karo kaliya wadatashi guud, iyo talo wadaag Soomaaliyeed sidu Alleyiri ( Wa amruhum Shuraa Baynahum). 

Marnaba xal ma keeni donaan dad aan Soomaali ahayn‘ Talada Soomaaliyeed Somaali ayey kago’daa’.