Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Haya'dda Qarammada Midoobay u qaabilsan qoxootiga ee UNHCR ayaa maanta oo Arbaco ah ku baaqday in la xushmeeyo dadka shacabka ah iyo hay'adaha gargaarka ee Muqdisho ku sugan, kaddib madaafiic khasaarooyin ka geystay Muqdisho.
Afhayeenadda UNHCR, Melissa Fleming ayaa sheegtay in dhowr madfac ay ku dhaceen beerta daraawiishta ee Muqdisho halkaasoo deegaan u ah barakacayaal, halkaasoo ay ku dhinteen laba qof, saddex kalena ay ku dhaawacmeen markii habeen ka hor ay ku dhaceen madaafiic.
Tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday qaybo Muqdisho ka tirsan bishii Ogoosto ee sannadkii hore, aagagga dagaalka waxay u durkeen duleedyada Muqdisho, balse magaalada gudaheeda waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo duqeymo ay dad rayid ah wax ku noqdeen.
"Waxaa la rumeysan yahay in weerarrada ay dadka rayidka ah ku dhinteen in lagu weerarayay ciidamada dowladda taageersan ee ku sugan dhismaha baarlamaanka Soomaaliya," ayay Fleming wariyeyaasha ugu sheegay Geneva. "Si kasta ha ahaatee, weerarkii ugu dambeeyay waxaa lala bartilmaameedsanayay xarunta madaxtooyada - sidoo kale sannadkii hore weerarro noocan oo kale ah oo dhacay ayaan gaarin goobihii loogu talogalay waxayna ku dhaceen xeryo barakacayaal."
Sidoo kale, afhayeenadda UNHCR waxay sheegtay inay jireen weerarro madaafiic dheeri ah oo u gudbay dhinaca madaxtooyada, balse aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.
Ugu dambeyn, afhayeennaddu waxay sheegtay in dowladda KMG ah ay sheegtayu inay doonayso inay u dhaqaaqdo dhinaca degmada Afgooye, iyadoo ku baaqday in laga taxadaro in dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada u dhexeeya Muqdisho iyo Afgooye waxyeello loo geysto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya