Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo xalay Siyaabo kala duwan loogu dilay Muqdisho

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay siyaabo kala duwan ugu dilay magaalada Muqdisho laba sarkaal oo ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya, kuwaasoo mid ka mid ah la sheegay inuu ka tirsanaa madaxtooyada.

Labadan sarkaal oo lagu toogtay degmada Shibbis ayaa waxaa dilkooda fuliyay rag bastoolado ku hubeysan kuwaasoo goobta ka baxsaday, mid ka mid ah saraakiisha ayaa magaciisa lagu soo koobay magaciisa Yaasiin, halka midka kalena magaciisa lagu sheegay Muxyadiin Wehliye Cagey.

Maamulka degmada Shibbis oo ka hadlay dilalkan ayaa sheegay inay baaris ku hayaan ciddii ka dambeysay, waxaana falkan ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay Al-shabaab oo ay sheegeen inay dadka ku dhex milan yihiin.

Dilka saraakiishan ayaa wuxuu qayb ka noqonayaa dilal qorsheysan oo habeennadii ugu dambeeyay ka dhacayay magaalada Muqdisho, kuwaasoo qaarkood lagu dilay askar ka tirsan ciidamada dowladda.

Weeraradan ayaa waxay imaanayaa xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir ee Al-shabaab, Sheekh Maxamed Cumar Abuu-C/raxmaan uu sheegay inay ku dileen Muqdisho dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay 15-askari oo ka tisran ciidamada nabadsugidda dowladda KMG ah, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka.

Al-shabaab ayaa sheegtay inay howlgallo kawaddo Muqdisho aysanna joogsanayn inta ay ka gaarayaan hadafkooda oo ah inay dalka ka baxaan ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika ee gacanta siinaya dowladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya