Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay Qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Guud ee wasaaradaha

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa magacaabay qaar k amid ah Agaasimeyaal Guud iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa lagu sheegay Agaasimeyaasha cusub ee loo magacaabay qaar ka mid ah wasaaradaha.

" Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay JSL/M/XERM/249-1002/032012, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga & Khayraadka Badda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka" ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi.

NO

MAGAC-YADA MASUULIYIINTA CUSUB

WASAARADDA LOO MAGACAABAY

XILKA LOO MAGACAABAY

1

Mudane, Maxamed Cilmi Aaden (Ilka-case)

(Xil Hore waxa uu ahaa Agaasimihii Protocol-ka Madaxtooyada JSL)

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda

Agaasime Guud

2

Mudane, Abiib Axmed Cali

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha & Dalxiiska

Agaasime Guud

3

Mudane, Cali Maxamed Cabdulle (Bikolo)

Wasaaradda Dib-u-dejinta

Agaasime Guud

4

Mudane, Cabdilaahi Maxamed Jaamac (Carey)

Maareeyaha Madbacadda Qaranka

Maareeye

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu xilkii ka qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Mudane, Cabdiraxmaan Cawil Xasan.

Sidoo kale, waxa wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta loo magacaabay Cali Cilmi Geelle oo noqonaya wasiirka cusub ee wasaaradaasi, iyadoo hore xilka looga qaaday wasiirkii xilkaasi hayey oo la odhan jiray Md Axmed Xaashi Oday.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland