Shirkii Ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo Uganda lagu soo gabagabeeyay iyo warmurtiyeed ka soo baxay

SHIR UGANDA.jpg
Arbaco, March 28, 2012 (HOL) - Waxaa magaaladda Entebbe ee dalka Uganda lagu soo gabagabeeyay shirweynihii ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ,  kaas oo ay ka soo qeyn galeen 120 xubnood oo kala socday Ururada, ganacsatada, qurbo-joogta, haweenka, difaacayaasha xuquuda aadana iyo saxafiyiin.

Mudadii sadexda maalmood aheyd oo kulankaas uu socday waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa xubno ka kala socday saxiixayaashiii tubta nabadda ee RoadMap, sida Dowladda KMG, Galmudug, Puntland  iyo Ahlusunna.

Ujeedada shirkan ayaa aheyd sidii ururada bulshada rayidka ay uga qeyb gali lahaayeen geeddi socodka nabadda  ee xilliga kala guurka ah, waxaana looga dooday qodobo  dhowr oo ay ka mid ahaayeen; dhismaha guddiga doorashada, xaqiijinta qeybta haweenka ee dowladda soo soo socota, qaabka doorashada xildhibaanadda cusub iyo dhismaha guddiga ansixinta dastuurka qabyo qoraalka ah.

Wasiirka arrimaha dastuurka, federalka iyo dib u heshiisiinta Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil oo hoggaaminayay wafdigii dowladda KMG shirka uga qeybgalay oo ay ka mid ahaayeen wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah, wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska, xubno ka socday xaafiisyada Madaxweynaha, Raisul Wasaaraha yio Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay in dowladdu soo dhaweyneyso dadaalka ururada, wuxuuna xusay in dowladdu ay  mar kasta la tashato Bulshada Rayidka ah oo ay yihiin xubin muhiim ah.

Duniyo Maxamed Cali oo iyana ku hadleysay magaca ururadii shirka soo qaban-qaabiyay ee IIDA iyo COSPE oo taageero ka helayay UNPOS iyo UNDP ayaa sheegtay in muhiimad gooni ah ay leeyihiin haweenka iyo ururada bulshada, isla markaana ay aad ugu faraxsanyihiin qeybtii dumarka looga oggolaaday Baarlamaanka.

SHIR UGANDA3.jpg

Dood dheer kaddib waxaa shirka isku raacay warmurtiyeed ka koobnaaa todo qodob, kuwaas oo kala ah:-

1.    In Ururadda Bulshada Rayidka ah ay raali ka yihiin, isla markaana ay taageerayaan habka geeddi socodka ee tubta nabadda.

2.    Inay ka mahadcelinayaan heshiiskii Garoowe, gaar ahaan qodobkii sheegayay in haweenka Soomaaliyeed 30% laga siiyo xubnaha baarlamaanka.

3.    In Ururada Bulshada rayidka ah taageersanyihiin qorshaha dowladda ee ku aadan sidii looga bixi lahaa Ku-meelgaarka.

4.    In la mideeyo codka ururrada Bulshada Rayidka ah.

5.    In shirweynuhu abuuray gole la magaca baxay “Isbaheysiga Bulshada Rayidka ah” kaas oo ka kooban 30 xubnood oo lagu saleeyay qaabdhismeedka ururada.

6.    Shirweynuhu wuxuu beesha caalamka ugu baaqayaa inay goobjoog ka ahaadaan xaqiijinta tubta nabadda iyo..

7.    In Ururada Bulshada Rayidka ah ay u mahadcelinayaan dalalkii u soo gurmaday Soomaaliya xilligii adkaa  ee la soo maray ee abaaraha, gaar ahaan dowladda Turkey, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Ururka Islaamka.

Ugu dambentii waxaa dhinaca kale xubnihi shirka ka soo qeyb galay soo saareen warqaad tacsi oo ku socotay dhammmaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoyskii iyo Eheladii uu ka geeriyooday Allaaha u naxariistee madaxweynihii hore ee jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed.

SHIR UGANDA2.jpg
SHIR UGANDA4.jpg
SHIR UGANDA6.jpg
SHIR UGANDA5.jpg

Hiiraan Online,News Desk
Kampala,Uganda