Madaxweyne Shariif oo dalka Ciraaq uga qaybgalaya shirka dalalka Jaamacadda Carabta ee halkaas ka furamay

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta u ambabaxay dalka Ciraaq si uu uga qaybgalo shirka dalalka jaamacadda Carabta oo ka furmaya magaalada Baqadaad.

Sheekh Shariif ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya, waxaana shirka oo berri furmi doona lagu wadaa inuu ka jeediyo madaxweyaha khudbad ku aaddan xaaladda ay xilligan ku sugan tahay Soomaaliya.

Kulanka ay jaamacadda Carabtu ku yeelanayso magaalada Baqdaad ee xarunta dalka Ciraaq ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo muddo 20-sano ah lagu qabto, waxaana dalkaas ka socday sannadihii ugu dambeeyay dagaallo, kaddib markii uu Mareykanku riday xukuumaddii Sadaam Xuseen.

Danjiraha Soomaaliya ee dalka Ciraaq, Maxamed Jaamac Cali ayaa sheegay inay ka socoto Baqdaad qabanqaabo lagu doonayo in lagu soo dhaweeyo madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya iyo wafdiga la socda.

Magaalada Baqdaad ayaa waxaa ammaankeeda sugaya in ka badan 10,000-askari oo ka mid ah, si looga hortago in la carqaladeeyo shirka, iyadoo shirka lagu soo qaadayo arrimo ay ka mid yihiin kuwa Soomaaliya, Yemen iyo Siiriya.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Ciraaq tan iyo markii xilkan loo doortay sannadkii 2009, iyadoo la xusuusto in madaxweynuhu uu booqday dalal badan oo dunida ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya