Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Iska-hor-imaadkaan oo ahaa mid xooggan islamarkaasina qaatay saacado ayaa u dhaxeeyay Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo isku dhan ah iyo xarakada Al-shabaab.
Iska-horimaadkaan ayaa yimid kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar isugu jiray madaafiic iyo qoryaha daranroogia u dhaca ay ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanka Hoosingow, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal fool-ka-fool ah oo qaatay saacado badan.
Sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka ilaa todobo ka tirsan dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyootay dagaalkii xalay ka dhacay Hoosingow, in ka badan 10-qofna waa ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay dhamaanba ahaayeen dhinacyadii dagaalamay.
Saraakiisha dowladda ee Hoosingow ku suggan oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday inay faah faahin ka bixiyaan dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Hoosingoow ee galbeedka gobolka Jubada Hoose.
Xaaladda Deegaanka Hoosingow ayaa saaka ah mid dagan, iyadoona goobihii lagu dagaalamay ay weli ku suganyihiin ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya.
Xoogagga Al-shabaab ayaa mudooyinkii u danbeeyay ka waday gobollada Jubooyinka weerarro gaadmo ah oo ay la beegsanayaan saldhigyada ciidamada dowladda KMG, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin deegaanada ay ku suganyihiin ee gobolka Jubada Hoose.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya