Guddoomiyeyaasha Guddi hoosaadyada Baarlamaanka Somalia oo wada dadaallo ay ku xallinayaan khilaafka Baarlamaanka

Arbaco, Maarso 28, 2012 (HOL) — Guddoomiyeyaasha guddiyada baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay wadaan qorshe ay ku doonayaan in xal looga gaaro khilaafka ka dhex-oogan baarlamaanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha guddiyadan oo tiradoodu ahayd 20 iyo xildhibaanno kale ayaa waxaa looga hadlay sidii lagu xallin lahaa khilaafka weli ka dhex-jira baarlamaanka, iyagoo ka dalbaday madaxda dowladda KMG iyo beesha caalamka inay gacan ku siiyaan dadaalkooda.

"Waxaa kulanka looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sidii lagu xallin lahaa khilaafaadka baarlamaanka u dhexeeya, waana la isku afgaratay," ayuu yiri mudane Cismaan Maxamed Cabdi oo ka mid ah xildhibaannadii ka qaybgalay kulankaas.

Xildhibaannadu waxay kaloo dalbadeen in lagu shaqeeyo dastuurka dalka, iyagoo sheegay inay ka go'an tahay inay xal waara ka gaaraan khilaafka baarlamaanka u dhexeeya, kaasoo sababay in xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay guddoomiye u doortaan Madoobe Nuunow Maxamed.

Sidoo kale, mudanayaashu waxay dalbadeen in laga hortago wax walba oo ka horimaan kara dastuurka dalka, iyagoo sheegay in dadaalkooda uu yahay mid ay ku doonayaan in la helo baarlamaan si wadajir ah u shaqeynaya.

Mudanayaashii kulanka ka qaybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed, xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo), xildhibaan Axmed Xaashi, xildhibaan C/rashiid Aadan Gabyoow, xildhibaan Ibraahim Sheekh Cali (Jeebbo), xildhibaan Avv. Subeyr, xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir, xildhibaanad Bishaaro Cabdi Garabey iyo xidhibaan Maxamed Xuseen Raage.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya