![]() |
"Duqeyn 11-kii bishan Ogoosto ay maraakiibta dagaalka Kenya u geysteen degmada Kismaayo waxaa ku dhintay shan qof oo ay ku jireen wiil 11-jir ah, mid 15-jir ah iyo haweeney uur leh, sidoo kale waxaa dhaawacyo soo gaaray u dhintay laba qof oo kale," ayaa lagu yiri warbixinta HRW.
Ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee ku lugta leh dagaallada ka socda Koonfurta dalka Soomaaliya ayay hay'addu ugu baaqday inay yareeyaan khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaraya dagaallada.
Hay'addu waxay sheegtay in goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ay u sheegeen in haweeney uur leh ay ku dhimatay madfac kula dhacay gurigeeda. Goobjooge kale ayaa isaguna hay'adda u sheegtay in laba wiil oo walaalo ah uu iyaguna gantaal kale dilay.
"Kenya, Al-shabaab iyo dhammaan kooxaha kale ee qaybta ka ah dagaallada waxaa looga baahan yahay inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaraya," ayuu yiri Leslie Lefkow oo ah madaxa Afrika ee haya'dda HRW.
Ciidamada dalka Kenya oo ay wehliyaan ciidammo taabacsan dowladda Soomaaliya iyo malleeshiyada Raaskambooni ayaa waxay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka kula dagaalamayeen Xarakada Al-shabaab.
"Xukuumadda Kenya waxaa laga doonayaa inay xaqiijiso in ciidankeedu ay sharciga dagaalka ilaaliyaan iyo in la yareeyo khasaaraha shacabka xilliga dagallada ay ku jiraan, gaar ahaan ciidamadeeda ka madax-bannaan howgalka AMISOM," ayay hay'addu ku tiri warbixinteeda.
Madaxa Afrika ee Hay'adda ayaa warbixinta ku yiri: "Dhammaan dhinacyada lugta ku leh dagaalka waa inay xushmeeyaan sharciyada dagaalka dunida." Isagoo sheegay in sharciyada caalamka oo dhan ay ilaaliyaan shacabka ku sugan deegaannada lagu dagalaamo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
