Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Guddiga doorashada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta billaabaya howshooda qabashada araajita murashaxiinta u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa oo doorashadoodu ay dhici doonto toddobaadka soo socda.
Guddigan ayaa waxay shalay isku qaybiyeen saddex guddi hoosaad, waxayna u doorteen guddoomiye xildhibaanad Caasho Xaaji Cilmi, iyado guddiyadan uu ku jiro guddiga maaliyadda kaasoo qaban doona lacagaha laga doonayo inay bixiyaan musharaxiinta u taagan xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeennadiisa.
"Howsha guddigu waxay si rasmi ah u bilaabanaysaa Khamiista, waxaana xubnaha u taagan xilalka lagu wargelinayaan inay soo gudbiyaan araajidooda," ayuu yiri afhayeenka guddigan doorashada, xidhibaan Cismaan Libaax Ibaahim oo saxaafadda la hadlay.
Xidhibaan Libaax ayaa sheegay in murashaxiinta xilalka u tartamaya laga doonayo inay buuxiyaan shuruudo ay ka mid yihiin inay bixiyaan lacagta doorashada ay ku galayaan, sidoo kalena ruuxa isku sharraxaya xilkan uu noqdo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka.
"Murashaxa u tartamaya xilka guddoomiyaha baarlmaanka waxaa laga doonayaa in uu bixiyo 3,000 oo dollar, gudoomiye ku xigeenka koowaad 2,000 oo dollar iyo ku xigeenka labaad oo bixinaya 1,000 dollar," ayuu yiri Xildhibaan Cismaan Libaax oo sharraxayay shuruudaha laga doonayo murashaxiinta.
Guddiga ayaa lagu wadaa inay maanta la kulmaan guddoomiyaha KMG ah ee baarlmaanka federaalka Soomaaliya, iyagoo kulankooda uga hadli doono qaabka ay ku dhacayso doorashada guddoonka baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Xubnaha illaa hadda isku taagay xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay kala yihiin: Prof. C/risaaq Cismaan Jurille iyo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo labaduba ka mid ah xidhibaannada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
- Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
- Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose