Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dhibaatooyin dhanka nolosha ah ayaa
laga soo sheegayaa deegaanka Diif ee ku yaal soohdinta u dhexeeysa
Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, iyadoona deegaankaasi ay ku
noolyihiin boqollaal qoys oo ay saameeyeen dhibaatooyin nolol xumo.
Dhibaatooyinka laga soo sheegayo deegaankaasi ayaa waxaa kamid ah; cunno yari, biyo la’aan iyo weliba adeegga dhanka caafimaaadka oo aan gabi ahaanba ka jirin deegaankaasi, waxaana dadka ku dhaqan halkaasi ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanka Dhoobley iyo xerooyinka Dhadhaab ee Kenya.
Guddoomiyaha deegaanka Diif Karaani Caamir Qamqam oo HOL la hadlay ayaa sheegay in xaaladda nololeed ee dadka ku dhaqan Diif ay tahay mid aad u liidato, isagoona sheegay in qoysaska qaar ay bilaabeen in ay beegsadaan deegaanada kale ee gobolka Jubada Hoose iyo xerooyinka Dhadhaab.
Dhibaatooyinka nolol xumo ee ay ka cabanayaan dadka ku dhaqan deegaanka Diif ayaa yimid kadib markii uu dhawaan jabay ceelkii ay biyaha ka cabi jireen, ilaa imikana ma jirto cid u istaagtay sidii ay dib ugu howlgelin lahayd ceelkaasi oo ay ka cabi jireen dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaankaasi.
Gobollada Jubooyinka oo ay siweyn u saameeyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya ayaa waxa ku nool kumannaan qoys oo ku xoolo beelay abaarahaasi, waxaana jiro deegaanno dhowr ah oo katirsan Jubooyinka oo dadka ku dhaqani ay u baahanyihiin in lala soo gaaro kaalmo biniaadanimo oo degdeg ah.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
- Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay