"Qofkii lagu arko wax yar oo wadaadnimo ah meesha waa laga saarayaa, waxayna keensanayaan qofkii dantooda ka shaqeynaya," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo intaas ku daray: "Annagu saf ayaan ka nahay mana ogolaanayno inay dalkan iyo dadkan hoggaamiyaan."
Sheekh Xasan Daahir wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay dagaalladaas ka qaygalaan, isagoo sheegay inay rajo weyn ka qabaan inay dowladda cusub kaga guuleysan doonaan dagaallada ay la galayaan.
"Mujaahidiinta waxaan leeyahay cidda aan la dagaalamaysaa waa cadowga Alle iyo cadowgiinna, waa inaadan dagaalka joojin oo aadan ka caajisina, waayo waa mid waajib idinku ah sida culummada Islaamka oo dhan ay qabto," ayuu hadlkiisa kusoo gabgabeeyay.
Xarakada Al-shabaab oo weli ka talisa dhul ballaaran oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla ayaa waxay dagaallo adag kula jirtaa ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Itoobiya.
Tan iyo dhammaadkii sannadkii hore ayay Al-shabaab isaga baxeen deegaanno ay horay uga talin jireen, kuwaasoo ay ku jiraan degmooyinka gobolka Banaadir iyo kuwo ka tirsan gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada dhexe, Hiiraan, Bakool, Bay iyo Jubooyinka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya