Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Sida uu HOL u sheegay wariye ku sugan degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud sacaadihii ugu danbeeyay waxaa degmada ka jirta xiisad ka dhalatay maxaabiis rag hubeysan maalintii shalay kala baxeen saldhiga degmada.
Rag hubeysan ayaa shalay galinkii danbe la sheegay in ay xoog ku furteen maxiib ku xirnaa saldhiga degmada Gur-ceel oo ay isku heyb ahaayeen, taasoo caro ku dhalisay sida la sheegay ilaalada saldhiga oo ka dalbaday maamulka degmada in talaabo laga qaado ragga maxaabiista la baxay.
Gudaha degmada ayaa lagu arkayaan xoogag iska soo horjeeda oo ku hubeysan gadiidka dagaallka taaasoo shaki badan ku abuurtay dadka ku dhaqan degmada Guri-ceel oo baqdin badan ka qaba in korkooda lagu dagaallamo.
Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya oo fadhigoodu yahay duleedka degmada Guri-ceel ayaa la sheegayaa in ay gudaha u soo galeen degmada iyaga oo tagay saldhiga ama goobta la sheegay in laga kaxeystay maxaabiista, laakiin waxaa muuqata in faragalinta ciidamada Itoobiya aysan waxba ka badali xiisada ka taagan degmada.
Saldhiga degmada waxaa ku sugan xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, kuwaasoo dalbanaya in dib loo soo celiyo shaqsiyaadka lagala baxay saldhiga haddii kale qaadi doonaan talaabo ka dhan ah furashada maxaabiista.
Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo kan dowladda KMG ee dhawaan loo magacaabay gobollka Galguduud, lamana oga ugu danbeytii wax ka dhalan kara xiisada ka jirta degmada Guri-ceel.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya
Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
- Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
- Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose