4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 23, 2012
Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Laba ruux oo caruur ah ayaa ku dhaawacmay duqeymo ay gallinkii dambe ee maanta diyaarado dagaal u geysteen degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaasoo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaraduhu ay tan iyo xalay dul heehaabayeen degmada, balse ay mar qura maanta 2:30 gantaallo ku garaaceen gudaha iyo duleedka degmada Baardheere.

"Diyaarado dagaal ayaa gantaal ku dhuftay gudaha degmada waxayna dhaawacyo kasoo gaareen laba cunug, sidoo kale, diyaaraduhu waxay duqeeyeen meel dibada degmada ku taalla, mana garanayno khasaaraha ka dhashay," ayay yiraadheen goobjoogayaal ku sugan degmada Baardheere oo ay HOL la hadashay.

Sidoo kale, goobjoogayaashu waxay sheegeen in xoogagga Al-shabaab ee degmada ku sugan ay iska difaaceen diyaaradaha oo mar kale soo noqday si ay duqeymo uga geystaan degmada.

Mas'uuliyiinta Al-shabaab ee degmada Baardheere ayaa duqeynta ku eedeeyay inay ka dambeyso dowladda Kenya, inkastoo aysan weli Kenya sheegin inay mas'uul ka tahay duqeytaas iyo in kale.

"Xaaladda degmadu waa mid kacsan, waayo dadka oo dhan way baqeen, waxay ka baqdin qabaa in mar kale la duqeeyo degmada," ayay tiri haweeney Baardheere ku sugan oo diiday in magaceeda ay sheegto sababa ammaan awgood.

Degmada Baardheere oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo oo ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacday duqeymo ay khasaare kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku nool.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya