Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Ciidamada amaanka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Talaadadii lasoo dhaafay nin hubeysan oo fariin habjaad ah internet-ka u mariyay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Saraakiil u hadlay wasaaradda cadaaladda Mareykanka ayaa sheegay in ninkan uu si sharci-darro ah ugu diray madaxweynaha e-mail, inkastoo aysan sheegin xukunka uu mudan doono.
"Wuxuu e-mail uu ugu hanjabayo u diray madaxweynaha," ayay tiri Emily Langlie oo ah afhayeenadda waaxda gasoorayaasha gobolka Washington, iyadoo sheegtay in ninka la xiray uu deggenaa xaafad ka tirsan Seattle.
Afhayeenaddu waxay sheegtay in markii booliisku ay baaritaan sameeyeen ay ku ogaadeen in ninkan uu hubeysnaa kuna jiray dhul keyn ah isagoo aan wax dhibaato ah qabin. Iyadoo intaas ku dartay in la wado baaritaanno gurigiisa lagu sameynayo si loo helo hub dheeraad ah.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Ohio halkaasoo uu ka waday ololihiisa doorashada, waxaana sidan oo kale loogu soo diray sannadkii 2007 fariin loogu hanjabayo.
Bishii November ee sannadkii hore ayaa nin lagu magacaabo Oscar Ramiro Ortega-Hernandez waxaa lagu eedeeyay inuu rasaas ku furay aqalka cad ee Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu qosheynayay inuu dilo Barack Obama.
Markii uu shilkaas dhacayay sannadkii hore madaxweyne Obama iyo xaaskiisa waxay safar shaqo ku joogeen gobolka California, mana jirin cid wax ku noqotay rasaasta uu ninkaas ku furay aqalka cad.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
- Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
- Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose