Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Afar qof oo dhalinyaro ah oo dhowaan lagu afduubay deegaanka Sool-joogto ee degmadda Buuhoodle ayaa kooxdii afduubatay sii daysay ka dib markii odayaasha iyo waxgaradka Buuhoodle waanwaan ka galeen siideyntoodda.
Odayaasha Buuhoodle oo baryahan dambe ku hawlanaa sidii loo sii deyn lahaa afartan qof ee maleeshiyadu ku afduubatay Deegaankaasi ayaa ku guulaystay, waxaana shalay galinkii dambe lagu soo wareejiyey gacanta Odayaasha, waxaana la filayaa in maanta ay iyaguna ku wareejin doonaan odayaashii afartan qof laga haystay.
Afartan qof ee dhawrka toddobaad ka hor lagu qafaashay deegaanka Buuhoodle ayaa la sheegay inay ahaayeen arday wax ka barata dugsiyadda magaaladda Burco, kuwaas oo fasaxoogii u tagay Reerahoodii oo degan Miyiga, ka dibna ay kooxdani halkaas ka kaxaysteen.
Odayaasha afartan dhalinyarada ah laga afduubay ayaa warbaahinta u sheegay inay u mahadcelinayaan odayaashii isku xil saaray soo deyntii dhalinyaradaasi, waxaanay xuseen inay aad u fiican yihiin xaaladooda caafimaadna ay wacan tahay.
“waxaanu u mahad-celinaynaa waxgaradka ka damqaday ee ka hawlgalay sidii afartan dhallinyarada ah ee ardayda ah loo sii dayn lahaa, waanan ku ammaanayaa siday hawshaas u galeen”ayuu yidhi Maxamed Cawil oo ka mid ah odayaasha afartan wiil oo ka hadlayey kaalinta ay odayaasha reer Buuhoodle ka qaateen siideyntooda.
Afartan qof ayaa loo afduubay sidii loogu bedelan lahaa nin la yidhaa Jaamac Kuutiye oo arrimo argagixiso ugu xidhnaa muddo sanado ah xabsiyada Somaliland, haseyeeshee lama oga waxay isku af garteen odayaasha Reer Buuhoodle iyo kooxdan haysatay afarta qof.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland
Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
- Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose