Khamiis, Ogoosto 23, 2012 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah maanta ugu dhawaaqday in gobolka Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya laba gobol loo qaybiyay, kuwaasoo kala ah: gobolka Hiiraan iyo gobolka Shabeellada sare oo xaruntiisu noqonayso degmada Buulo-barde.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya oo ku taariikheysnayd bishii July ee sannadkan ayaa waxaa lagu shaaciyay in gobolka Hiiraan uu wixii ka dambeeyay hadda uu noqonayo laba gobol.
"Gobolka Shabeellada sare waxaa loo aqoonsaday gobol gaar ah oo ka go'ay gobolkii hore ee Hiiraan, dhammaan hay'adaha dowladda waxaa laga codsanayaa inay dhameystiraan baahida kaga aadan gobolkan cusub," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha oo ku lifaaqnaa wareegtada lagu magacaabay gobolkan cusub.
Faafintan rasmiga ah ee kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gobolka Hiiraan uu ka mid ahaa siddeedii gobol ee Soomaaliya lagu aasaasay, haddana ay noqonayso markii ugu horreysay oo la kala jaro.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa wareegatadiisa ku sheegay inuu magacaabista gobolkan cusub u cuskaday qodobbo ka mid ah axdiga dalka, magacaabistiisa ay ku timid codsi ka yimid wasaaradda arrimaha gudaha.
Gobolka Shabeellada sare oo gobollada dalka Soomaaliya ka dhigaya 19 gobol ayaa wuxuu ka kooban yahay toban degmo oo kala ah: Buulo-burte, Jalalaqsi, Maxaas, Show, Buur-weyn, Ceel-ciid, Qoryaalle, Halgan, Moqo-kori iyo Buqda.
Sidoo kale, gobolka Hiiraan oo magacaalo madaxdiisu tahay Baladweyne, ayaa wuxuu ka kooban yahay 000 oo kala ah: Badweyn, Matabaan, Jawiil, Far-libaax, Ceel-cali, Yucubkam, Beer-gadiid, Macaan-qaalle, Buuco, Abaaleey iyo Feerfeer.
Ugu dambeyn wareegtada lagu magacaabay gobolka cusub ee Shabeellada sare oo ka go'ay gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in soohdimaha gobolladan dib laga habeyn doono.
Wareegtadan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo maalmo ka hor lagu qabtay Muqdisho xaflad looga dhawaaqayay in gobolka Hiiraan loo qaybiyay laba gobol oo daris ah, taasoo ay ka qaybgaleen wasiirro iyo xidhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Dowladda Soomaaliya oo Maanta si Rasmi ah ugu Dhawaaqday in Gobolka Hiiraan loo Qaybiyay laba Gobol
More News
- Hay'adda HRW oo Kenya iyo Al-shabaab ugu baaqday inay yareeyaan Khasaaraha ka dhalanaya dagaallada u dhexeeya
- Xiisad ka taagan Degmada Guri-ceel ee Gobolka Galguduud kaddib Maxaabiis lagala baxay Xabsiga degmadaas
- Diyaarado dagaal oo Maanta duqeeyay Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab
- Ciidamada Amniga Mareykanka oo xiray Nin hubeysna oo Fariin Hanjabaad ah u diray Madaxweyne Barack Obama
- Sheekh Xasan Daahir Aweys oo sheegay inay la dagalamaayaan Dowladda cusub ee loo dhisayo Soomaaliya
- Afar qof oo dhawaan deegaanka Sool-joogto ee Degmada Buuhoodle lagu Afduubay oo Xoriyadoodii loosoo celiyay
- FAARAX MACALLIN: "Zenawi wuxuu ahaa nin lixaad weyn ku leh dhibaatada ka taagan Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya"
- Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo si rasmi ah Maanta u billaabaya Howshooda
- Gaadiid dagaal iyo Ciidammo la sheegay inay kasoo goosteen Maamulka Khaatumo oo soo gaaray Magaalada Garoowe
- Haweenka oo ka cabanaya Tirada ay ku yeesheen Baarlamaanka Somalia oo aad uga yar intii horay loogu Qoondeeyay
- Dhibaatooyin Dhinaca Nolosha ah oo ka Taagan Deegaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose