Talaado, September, 13, 2011 (HOL) —Siminaarka oo hal-kudhiggiisu ahaa Qaabkee ayay u wada shaqeyn karaan nabadeynta iyo xoojinta deriseynta ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Saxafi International ee magaalada Muqdisho, seminaarkaasi oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee Haweenka Muqdisho, Xildhibaanno iyo madax ka tirsan ururrada haweenka.
Ugu horeyn waxaa furitaanka xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha haweenka ee ururka UYS Deeqa C/qaadir Axmed ahna Guddoomiyaha Degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, waxayna ugu horeyn ka hadashay arrimaha deriseynta iyo qaabka ugu fudud ee qeybaha bulshada isugu xirmi karaan.
"Maanta qabiil wuxuu yahay waan soo aragnay, waxaana loo baahan yahay in 50-kii qoysba ay isku xirmaan isla markaana iska warqabaan" ayay tiri Deeqa C/qaadir oo intaa raacisay in nabadda aan u baahanahay, balse iyadu aysan noo baahnayn, waxayna tilmaantay inay lagama maarmaan tahay wacyi gelinta iyo is dhex galka bulshada si ay uga hortagaan wax kasta oo dhibaato ku ah.
Sidoo kale Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo ah ku xigeenka Xigeenka guddiga haweenka ururka UYS ayaa sheegtay in maanta adduunka ay ku soo korortay aaladda casriga ah, waxayna sheegtay in isku xirka bulshada uu qeyb weyn ka qaadan karo Internetka, waxayna ka qeyb galayaasha Seminaarka ku boorisay inay ku wada xiriiraan Borograamka Facebook loo yaqaano, iyadoo ballanqaaday inay iyada qudheeda ku xiriirineyso aaladaasi.
Waxay sheegtay Xaawo Kiin in ujeedada ugu weyn ee ay haweenku ku xiriiriyaan ay tahay sidii ay uga hortegi lahaayeen wixii degaanadooda dhibaatada ka wada, iyadoona sheegtay in haddii aanay dadka hal xaafad isla degan aanay si wadajir ah uga shaqeyn nabadgelyada ay noqonayaan kuwa iyagu qeyb ka ah nabadgelyo xumida.
Raxmo Daahir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga haweenka ururka UYS ayaa khudbad ay halkaasi ka jeedisay waxay iyana uga hadashay doorka haweenka ay ka qaadan karaan isku xirka bulshada iyo kahortagga khatar kasta oo dhibaato ku keeni karta shacabka, iyadoo sheegtay in hooyadu ay tahay tiirka bulsho oo awood u leh inuu ogaado guriga ka soo horjeeda dadka degan xaaladooda, haddii ay qof cusub ku soo biirto iyo guud ahaan xaaladda xaafadda ay degan tahay, waxayna ka dalbatay haweenka inay u midoobaan isla markaana isku xirmaan si degaankoodu u noqdo mid ka nabadgala kuwa shar wadayaasha ah ee doonaya inay fidno ka abaabulaan shacabka dhexdiisa.
Sidoo kale Carfoon Wehliye Siyaad oo iyana xubin ka ah Haweenka UYS ayaa sheegtay in loo baahan yahay haweenka xaafad wada degan ay yeeshaan xiriir joogto ah, isla markaana guri kasta midka kale ee ku dhegan subax kasta soo booqdo, iyadoona sheegtay in Soomaalida sanadahaan dambe ay caadeysteen dhaqamo xunxun, sida in qofka ku bariidiya subaxdii adigoo gurigaada jooga la aflagaadeeyo.
Xildhibaanad Duniyo Maxamed Cali oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Baarlamaanka KMG ah oo gunaanadkii seminaarka khudbad ka jeedisay ayaa ugu horeyntii u mahad celisay ururka mideynta dhallinyarada Soomaaliyeed ee UYS bacdamaa iyadoo xaaladda adag ee uu dalka marayo suurageliyay in doorka haweenka ay ku dhex leeyihiin bulshada kor u soo qaaday, iyadoona ku tilmaamtay wax lagu farxo tirada Haweenka ee maanta ka soo qeyb galay seminaarka, waxayna Xildhibaanadu sheegtay in Guddoomiyaha ururka UYS Md. Ciise Xasan Diinax uu yahay muwaadin dadkiisa iyo dalkiisa la jecel inuu dhibaatada ka saaro.