Ugaas Soomaaliyeed oo si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya (SAWIRRO)

Talaado, September 13, 2011(HOL) Nairobi,Kenya - Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo ah ninka loo qorsheeyay inuu baddalo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ahaa Ugaaskii beesha Sade Daarood ee dhawaan ku geeriyooday magaalada Nairobi, ayaa xalay fiidkii si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta International Airport ee magaalada Nairobi.

Ugaaska cusub oo ka yimid waddanka Canada ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin uu kamid yahay qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya iyo dadweyne isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada oo labisnaa dharka hiddaha iyo dhaqanka.

Qaar kamid ah Odaayaasha Dhaqaanka beesha Sade oo goobta kula hadlay dadweynihii joogay ayaa sheegay in ay si wayn ugu faraxsan yihiin soo dhaawaaynta Ugaaaska beesha Sade Daarood isla markaana ay la garab taaganyihiin taageero dhinac walba ah, iyadoo odayaal dhaqameedkan kamid ahaayeen Khaliif Qoryooleey, Xasan Buraale Maxamuud, Dhaqane Qaasim,  C/raxmaan Maadeey Maxamuud, C/laahi Yaroow Faarax, Aadan Barre, iyo kuwo kale.

Amb. Maxamed Cismaan Aadan (Edson), qunsulka soomaaliya u fadhiya wadanka Kenya, oo ka mid ahaa dadkii Ugaaska kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ayaa yiri “Waad mahadsan tihiin dhamaantiin dadka kasoo qeyb galay soo dhaweynta Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, oo caawa inooga yimi dalka Canada lagana yaabo inuu u gudbo dalka Soomaaliya, farxad weyn ayeey inoo tahay inaan caawa soo dhaweyno Ugaaska, waxaan leenahay Ugaas soo dhawoow.” Ayuu yiri Mr. Edson.

Ugaaska ayaa salaan la dhex qaaday dadweynihii soo dhaweeyay eek u sugnaa goobtaasi.

Waxaana ugaaska markii dambe loo galbiyay Hotelka uu ka dagi lahaa Nairobi halkaas oo u kulamo kula yeelan doono odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Axmed Cabdisamad , Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi,Kenya