September 13, 2011 (HOL) — Abaartii ugu danbeysay ee ku dhuftay goballada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa ay saameyn xun ku yeelatay dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo nolashoodu ay ku xirneeyd dalaga beeraha iyo waliba dacmashada dhulka.
Hadaba dadkaasi ay abaaruhu saameynta adag ku yeesheen waxaa ay isaga soo cararaan deegaannadii ay markii hore ku noolaayeen, iyaga oo soo maciin biday hadba halkii ay is lahaayeen kaalmo ayaad ka heli kartaa, waxaana intaa kadib bilaawday gurmad loo fidinayo dadkaasi dhibaateysan.
Hay’adda Som Development Trust oo ka mid ah hay’addaha maxaliga ah ee ka howlgala goballada dalka Soomaaliya ayaa deeq raashin ah waxaa ay u qeybiyeen dad barakacayaal ah oo ku sugan goballada Banaadir, Hiiraan iyo Gado qeybo ka mid ah, kuwaasoo deeq ka kooban raashin iyo saliid.
Mid ka mid ah xubnaha hay’adda deeqda qeybisay ayaa sheegay in ay ka faa’ideysteen gargaarka ay bixisay hay’addu dad kor u dhaafaya kumanaan ruux oo ku kala sugan sadaxda gobol ee gargaarka laga qeybiyay, isaga oo intaa ku darray in si gaar ah diirada loo saarayay dadka jilicsan sida haweenka iyo caruurta.
‘’Ma’aha oo kaliya in hay’addu ku deeqday raashin ee xitaan waxaa jirta biyo dhaamin aynu ka sameynay qeybo badan oo ka tirsan goballka Hiiraan ayuu yiri,’’ mas’uulka ka tirsan hay’adda ee u waramay HOL.
Waxaa uu sheegay in deeqdani noqon doonin tii ugu danbeysay oo ay hay’addu bixiso, hasse ahaatee ay jiri doonaan i gargaar kale oo la gaarsiin doono dadka ay abaaruhu ku dhufteen ee ku dhaqan qeybaha kala duwan ee dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya