Talaado, September 13, 2011 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan oo maanta la hadlayay dad ka badan boqolaal qof oo kasoo jeeda gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal masuuliyiin ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay jeediyeen,kaasi oo ahaa in dadka ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle lagu dhibaateeyo deegaanada Puntland.
"Ma ahan mid qarsoon in dadka deegaanadaasi ay maanta Puntland ku haystaan ganacsiyo kala duwan oo aysan jirin cid ku fara galisa, isla markaana xuquuqdooda la dhowro "ayuu yiri gudoomiyaha oo sheegay in dowladdu ay canbaaraynayso ciddii hadaladaasi warbaahinta ka sheegtay.
Waxaa kaloo gudoomiyaha uu sheegay in gobolka Bari uu yahay meesha ugu badan ee ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay koonfurta wadanka Soomaaliya ,isagoo xusay in dadkaasi sanad walba loo qabto adeegyo dheeri ah oo la xiriira waxyaabaha ay u baahanyihiin sida in la siiyo goobo ay ku nastaan marka ay gobolka yimaadaan.
"Xildhibaanada hadalkan uu ka soo yeeray waxaa haboon in ay yimaadan gobolkan oo ay arkaan sida ay waxyihiin intii ay shirar eedayn ah qaban lahaayeen," ayuu hadalkiisa ku daray gudoomiyaha ,isagoo oo tilmaamay in Puntland ay soo dhawayn wacan u samaysay dadka ka soo jeeda gobollada Koonfureed gaar ahaan gobollada Bay iyo Bakool.
"Waxaa dowladda uu waajib ka saaranyahay cid kasta oo gobolkeeda ku nool,mana jirto maanta cid kala faquuq ku samaysa dadkaas ka so jeeda koonfurta," ayuu mar kale yiri gudoomiyaha ,isagoo ugu baaqay masuuliyiinta wax eedeeyay in ay raali galin ka bixiyeen hadalka guuxan dhaliyay.
Dhinaca kale wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo isna la hadlay warbaahinta ayaa beeniyay in Puntland lagu dhibaateeyo dadka koonfurta ka soo jeeda, waxaana uu xusay in ay jiraan dad lagu tuhunsanahay in amniga qal-qal ay ku hayaan, kuwaasoo qaarkood su'aallo lagu waydiinayo magaalooyin kala duwan oo gobolka ka tirsan.
Ugu danbayntii dadka maanta dibad baxa ka sameeyay Bosaaso qaarkood ayaa sheegay in xildhibaanadii shirka ku qabtay magaalada Muqdisho aysan iyga matalin,waxaana ay sheegeen in Puntland gudaheeda ay amni iyo ganacsi ka heleen markii ay u soo barakaceen.
Faysal Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya
Dad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool oo maanta dibadbaxa ka dhigay Boosaaso iyo Maamulka oo la hadlay
More News
- Dowladda KMG ah oo muddo kooban xirtay samafalayaal Turki ah oo Xerada Aal-Yaaasir ee KM-50 ka qaybiyay raashin
- Haween Soomaaliyeed oo Muqdisho loogu qabtay Siminaar ku saabsan is dhex-galka bulshada iyo dariseynta
- Xildhibaanno ku yeeshay Muqdisho kulan ay ku dalbadeen in shirarka looga hadlayo xilliga kala guurka ah la waafajiyo Axdiga
- Hay'adda Camuud Foundation oo ka warbixisay gargaar ay ka qaybiyeen Muqdsiho iyo gobollada dalka (SAWIRRO)
- Xukuumadda Turkiga oo dalkeeda u qaaday 14 Caruur Soomaaliyeed ah oo xanuunsan si loogu daweeyo
- Dagaal Al-shabaab iyo Ahlusunna ku dhexmaray duleedka degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud
- Hay’adda Som Developmet Trust deeq gaarsiiyay dad barakacayal ku sugan gobollada Banaadir, Hiiraan iyo Gado
- Ugaas Soomaaliyeed oo si diirran loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee Xarunta Kenya (SAWIRRO)
- Wafdi Turki ah oo booqday deeqna gaarsiiyay barakacayaal ku jira xero ay maamusho Xarakada Al-shabaab
- Natiijadii Imtixaanka Dugsiyada Somaliland oo lagu dhawaaqay Iyo ardayda gobol walba Imtixaanka u fadhiisatay
- Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay duqeyn ka dhacday Yemen