Kulankan oo ahaa mid dood furan ah ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay xaaladda uu dalku maryo. Waxaana xildhibaanadu ay ka dalbadeen in sharciga dalka la waafajiyo heshiisyo walba iyo shirar walba oo looga hadlayo xilliga kala guurka ah.
"Kulanka waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in shirarka looga hadlayo waqtiga kala guurka ah la waafajiyo axdiga KMG ah ee dalk iyo hoggaanka sare ee baarlamaanka uu dib u furo kulammadii baarlamanka si looga hadlo xaaladda dalku ku sugan yahay," ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka mid ahaa mudanayaashii kulanka ka qaybgalay oo la hadlay warbaahinta.
Kulankan oo ahaa mid ay si gaar ah u qabsadeen xildhibaannada ayaa imaanaya xilli ay socdaan dadaallo ballaaran iyo shirar looga hadlayo sidii dowladda looga saari lahaa xilliga KMG ah looguna gudbi lahaa dowlad joogto ah ama dhameystiran.
Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay dhawaan ansixiyeen dhowr qodoob oo kasoo baxya shirkii wadahadalka dhinacyada Soomaalida ee lagu qabtay Muqdisho, iyadoo aan weli la horgeyn baarlamaanka.
Shirkii Muqdisho ayaa ku saabsanaa sidii dalka looga gudbi lahaa dowlad KMG ah oo muddo toddoba sano ah soo shaqeynaysay, waxaana shirka ka qaybgalay DKMG ah iyo maamullada Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya