
Talaado, September 13, 2011 (HOL) — Xukuumadda Turkey ayaa dalkeeda geysay 14 caruur Soomaaliyeed oo ah xanuunsan si loogu daweeyo, iyadoo la sheegay in caruurtan ay qabaan cudurro kala duwan oo ay ka mid tahay nafaqodarro.
Caruurtan ayaa waxaa la dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Istanbuul laguna magacaabo Avicenna oo ku yaalla xaafadda Esenler, iyadoo garoonka looga qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah.
"Waxaan 14 cunug ay ka mid ahaayeen dadkii macluushu saameynta ku yeelatay ee Muqdisho ku sugnaa, waxaana rajeynaynaa inay iyadoo iyagoo caafimaad qaba ay dib ugu laabtaan dhawaan dalkooda," ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka hay'adda gargaarka bani'aadamnimo ee Turkiga, Yasar Kutluay.
Daweynta caruurtan ayaa waxaa iska kaashanaya ururka xiriirka caalamiga ah iyo horumarinta ee dalka Turkiga, hay'adda xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda ee Turkiga, ururka gargaarka bani'aadamnimada Turkiga iyo shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airlines.
Mr. Kutluay ayaa sheegay in shacabka Turkiga ay diyaar u yihiin inay caawiyaan mar walba dadka Afrika. "Waxaan u mahadcelinaynaa qof walba oo Turkish ah, sida ra'iisul wasaaraha Recep Tayyip Erdogan. Innagoo uga mahadcelinaynaa ololaha ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed," ayuu yiri.
"Caruur fara badan oo Soomaaliyeed ayaa u qaadaynaa dalka Turkiga si loogu soo daweeyo. Waayo innagu waxaan halkan (Soomaaliya) ku leenahay isbitaal kaasoo ah Carafaat Hospital. waayo muddo 10-sano ah ayaa taageeraynay isbitaalka," ayuu hadalkiisa raaciyay.
Ugu dambeyn ku xigeenka madaxa hay'adda gargaarka bani'aadamnimo ee Turkiga Kutluay wuxuu sheegay inay qorsheynayaan inaan u soo dirno Soomaaliya sida markabkii Mavi Marmara oo ay ciidamada Yuhuuddu ku weerareen biyaha caalamiga ah isagoo kusii jeeda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, kaasoo ahaa Isbitaal.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya