September 13, 2011 (HOL) — Wararka ka soo baxaya degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu ku dhaxmarayo meel 20km dhinaca K/galbeed kaga beegan degmada Dhuusa-mareeb xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.
Dagaallka oo leysku adeesanayo hub-ka noocyadiisa kala duwan ayaa ka dhashay kadib markii Xarrakada Al-shabaab weerar ku soo qaadeen goob ay fariisin ku lahaayeen xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca, taasoo keentay in uu dagaal culus ka dhax qarxo labada dhinac.
Wariye ku sugan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Caabud-waaq ayaa HOL u sheegay in uu jiro dhaawac ilaa Shan ka tirsan dagaalyahanada Ahlu Sunna in la dhigay Isbitaalka degmada Dhuusa-mareeb, hasse ahaatee wariyahaasi ma sheegin cid ku dhimatay dagaalka inta uu ka warhayo.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mamulka Ahlu Sunna Waljameeca iyo dhinaca Al-shabaab oo ku aadan dagaallka la sheegay in uu ka socdo duleedka degmada Dhuusa-mareeb.
Dhowr jeer oo hore ayeey xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab u soo jirsadeen degmada Dhuusa-mareeb wax ka yar 20km, hasse ahaatee Ahlu Sunna ayaa u muuqata mid mar walba isha ku heysa dhaq dhaqaaq xoogagga Al-shabaab ay ka wadaan daafaha degmada Dhuusa-mareeb maadaama dhowr jeer oo hore ay gudaha u galeen degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya