
Talaado, September 13, 2011 (HOL) — Wafdi ka socday dalka Turkiga ayaa shalay oo Isniin ahayd booqday xerada Aala-Yaasir oo ay ku jiraan qoysas badan oo ka mid ah barakacayaasha abaaraha, iyadoo xeradaas ay gacanta ku hayso Xarakada Al-shabaab.
Wafdigan Turkiga ah ee booqday xerada ayaa qoysaskii ku jiray u qaybiyay raashin gargaar ah oo ay ka keeneen dalka Turkey, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo wufuudda ka socda dalka Turkey ay booqdaan xero ay maamusho Al-shabaab.
Xubnaha wafdigan oo ka koobnaa saddex ruux ayaa waxaa halkaas geysay hay'adda Zamzam Foundation oo ka mid ah hay'adaha maxalliga ah ee ka howlgala gudaha dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha hay'adda IHH ee dalka Turkiga Muraad Kafakdan oo saxaafadda la hadlay isagoo ku sugan xerada Aala-Yaasir ayaa yiri: "Waxaan halkan u nimid inaan caawinno shacabka Soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay - waxaan soo gaarnay xerada Aala-Yaasir oo ay maamusho Al-Shabaab."
Sarkaalkan wuxuu sheegay inay gargaar ka horreeyay midkii ay geeyeen xeradaas ay horay ugu soo direen shacabka iyagoo u wakiishay hay'adda Zamzam, balse ay ku faraxsan yihiin inay iyagu goobjoog ka noqdaan markii ugu horreysay gargaar loo qaybiyay dadka ku jira xeryaha ay Al-shabaab maamusho.
"Inta badan waxaa naloo sheegi jiray in Al-Shabaab aysan ogoleyn in dadka ku nool deegaannada ay ka taliyaan gargaar la gaarsiiyo - waxaa kaloo naloo sheegi jiray in goobaha ay ka taliso ay yihiin kuwo halis ah oo aan la tegi karin, booqashadanna waa mid aan ku xaqiijinayay wararkaas," ayuu yiri Kafakdan.
Wafdigan ayaa waxay shalay ka tageen goobaha ay maamusho DKMG ah iyagoo u tallaabay dhinaca ay Xarakada Shabaab ka taliso, iyadoo mas'uulka wafdiga uu sheegay inay la kulmeen waxyaabo ka bedelen wixii loo sheegi jiray.
"Lama kulmin wax is-hartaag ah - jidka si nabad ah ayaan kusoo marnay - goobo nabad ah ayaa soo marnay illaa aan ka imaanay xerada Aala-Yaasir," ayuu ka yiri mas'uulkan gudaha xerada mar uu kula hadlayay wariyeyaasha.
Muraad Kafakdan, wuxuu sheegay inay ka go'an tahay inay u sii gudbaan maalmaha soo socda magaalooyinka kale ee ay ka mid yihiin Baydhabo iyo Kismaayo oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab, isagoo sheegay in gargaarka ay ugu talogaleen shacabka ku gobollada Koonfureed ku nool ay ka dajin doonaan dekedaha iyo garoommada gobolladaas ku yaalla.
Dowladda Turkiga ayaa waxay dhawaanahan soo gaarayeen Muqdisho, iyagoo ku ekaa dhinaca ay dowladdu ka taliso, balse tani waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo ay u gudbaan dhinaca ay ka taliso Al-shabaab, welina ka aysan hadlin dowladda KMG ah.
Booqashadan ayaa imaanaysa xilli uu shalay kusoo xirtay dekedda Muqdisho markab sida 5,000 oo tan oo gargaar bani'aadamnimo ah, oo ay ku jiraan raashin, qalab iyo dawo, waxaana loogu talogalay in lagu caawiyo barakacayaasha Soomaaliyeed.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya