Dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo la sheegay in lagu dilay duqeyn ka dhacday Yemen

Talaado, September 13, 2011 (HOL) — Dowladda Yemen ayaa sheegtay in duqeyn ay diyaaradahooda dagaalka la bartilmaameedsadeen baro ay kaga sugnaayeen degmooyin ka tirsan gobolka Ebyan ee Koonfurta dalkaas laba dagaal yahan oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiil Yemeniyiin ah ayaa sheegay in labada dagaalyahan ee Soomaalida ah ay ka mid ahaayeen 50-dagaalyahan oo lagu dilay duqeytaas, waxayna hoosta ka xariiqeen in labada qof ee Soomaalida ah uu midkood ahaa dhaawac.

Dagaalyahannadan ka tirsan Al-Qaacida ee ay Soomaalidu ka mid ahaayeen ayaa intooda badan lagu dilay duqeyn loo geystay isbitaal iyo masaajid ku yaalla magaalada Zinjibar ee xarunta gobolka Ebyan.

Xukuumadda Yemen ayaa sheegtay in 600 oo dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab ay toddobaadyadii lasoo dhaafay soo gaareen Yemen si ay ugu biiraan xoogagga Al-Qaacida ee dagaalka kula jira dowladda Yemen.

Dalalka Soomaaliya iyo Yemen ayaa waxaa u dhexeysa badda cas, halkaasoo ay ka gudbaan bil walba doomo wada dad barakacayaal ah oo u socda dalalka Khaliijka, kuwaasoo marin kasii dhigta Yemen.

Dhanka kale, wasiirka gaashaandhigga dalka Yemen, Maxamed Nasar ayaa sheegay in ugu yaraan in dagaalladii dhexmaray ciidamada Yemen iyo xoogagga Al-Qaacida ay ku dhinteen 230 askari oo ka tirsan ciidammadooda, balse ay ku guuleysteen inay qabsadaan magaalada xarunta u ah gobolka lagu dagaalamay ee Ebyan.

Kooxaha Islaamiyiinta ah ayaa haystay magaalada Zinjibar ee xarunta gobolka Ebyan iyo magaalooyin kale oo gobolkaas ka tirsan iyo bishii May ee sannadkan markaasoo ay ku qabsadeen dagaallo culus oo ay la galeen ciidamada.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda kacdoonno ay shacabku ku doonayaan inay xukunka kaga tuuraan xukuumadda uu horkacayo madaxweynaha dalkaas Cali Cabdalla Saalax oo xukunka hayay muddo 33-sano ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya