Arbaco, May 18, 2011 (HOL) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay mid lagu deg-degay taallabadii uu dhawaan guddoonka baarlamaanka KMG ah ku sheegay waqtiga la qabanayo doorashada madaxtinimo ee dalka.
Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali Woosh oo ka mid ah mudanayaal magaalada Muqdisho kasoo saaray warsaxaafaeed ay kaga soo hrojeedaan in doorasho la qabto ayaa sheegay in qabsoomida doorasho ay ka horreyso in go'aan laga gaaro warqaddii uu madaxweynuhu ku diiday muddo kororsigii uu baarlamaanku horay u sameystay.
"Muqdisho xilligan doorasho lagu qaban karo, waayo ma jirto ammaan la isku doorto, balse sharci ahaan in doorasho la qabto waxaa ka horreysa in amaanka la sugo, sidoo kalena go'aan laga gaaro muddo kororsiga baarlamaanka," ayuu yiri Woosh.
Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedkan lagu sheegay in xilligan ay dowladda KMG ah ku jirto howlo ay ku sugayso ammaanka, isla markaana aan loo baahnayn in is-hortaag lagu sameeyo howshaas, uuna baarlamaanku guto howshiisa.
Mudanayaashan ayaa hadlkoosa kusoo beegay xilli ay soo baxayaan baaqyo iyo aragtiyo kala geddisan oo ka turjumaya qabsoomidda doorashada madaxtinimda ee dalka inay dhacdo bisha Ogoosto ee sannadkan, taasoo ay xukuumaddu qabto in dib loo dhigo muddo sannad ah, halka baarlamaanku uu ku adkeysanayo in la qabto marka la gaaro Ogoosto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya