Caruur cudurka Shubanka ugu geeriyootay deegaanno hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan

Arbaco, May, 18, 2011 (HOL) – Wararka laga hellayo deegaanno hoos taga degmada Jalalaqsi ee goballka Hiiraan ayaa sheegaya ilaa Afar caruur ay ugu geeriyoodeen cudurka shuban biyoodka.

Sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah dadka degmada Jalalaqsi ayaa sheegaya in caruurtan ay geeriyoodeen kadib markii ayaa yiri cabeen biyo wasaqeysan taasoo keentay in caruurtu geeriyoodaan.

Waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay jiraan caruur iyo dad waayeel
ah oo la ildarran cudurka, kuwaasoo aan heysan wax daryeel ah oo la taaban karo maadaama Isbitaalka degmadu heysan xiligan daawooyin ku filan.

Caruurta geeriyootay iyo kuwa hadda la ildarran cudurka ayaa la leeyahay intooda badan waa kuwa ka soo jeeda qoysas danyar ah oo aan heli karin daryeelkii caafimaad ee loo baahnaa, waxaana ay ugu baaqeen hay'addaha samafalku  ee ka howlgala goballka in ay soo caawiyaan dadka dhibaateysan.

Ma'aha goballka Hiiraan deegaanada bartamaha Soomaaliya ee caruurtu ugu geeriyoodaan cudurka shuban-ka kadib markii ay isugu darsatay tabardari ay ka dhaxleen abaarta iyo biyaha ay dadkaasi isticmaalaan oo aan nadiif aheyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya