Arbaco, May 18, 2011 (HOL) – Wasiiru-dowlaha qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah e Puntland C/qaadir Cabdi Hashi ayaa booqasho ku tagay wadamada Holland iyo Britain ,halkaasi oo uu kula kulmay madax ka tirsan labadaasi wadan oo ay ka wada hadleen arimo badan.
"Magaalada Hague waxaan kula kulmay wasiirka iskaashiga caalamiga u qaabilsan wadankaasi Md. Ben Knapen oo aan isla soo qaadnay sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka Puntland ay la yeelanayso wadanka Holland"ayuu yiri wasiirka oo warbaahinta la hadlay.
Waxaa kaloo wasiirka uu sheegay in dowladda Holland ay soo dhawaysay dagaalka ay Puntland kula jirto kooxaha burcad badeeda Soomaaaliyeed oo maamulka si wayn loogu eedeeyo,waxaana intaa uu ku daray in labada dhinac ay iskaashi ka samayn doonaan arimaha burcad badeeda.
Sidoo kale wasiirka ayaa wasaaradda arimaha dibadda ee wadanka ingiriiska kula kulmay wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arimaha Afrika Mr Henry Bellingham ,waxaana kulankaasi Puntland ay ku codsatay in laga caawiyo caafimaadka ,waxbarashada ,ilaalinta deegaanka iyo isgaarsiinta ,iyadoo kulankaasi uu ahaa mid saacado qaatay.
"Si gaar ah waxaan uga dalbanaya labada wadan in Soomaaliya ay ka taageeraan dhinaca ammaanka iyo arimaha doorashooyinka oo loo ballansanahay bisha August ka hor "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka oo soo dhaweeyay dadaalka beesha caalamka ee arimaha Soomaaliya.
Ugu danbanyntii wasiirka ayaa sheegay in dowladda Ingriiska ay dib u furan doonto safaaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd ,isagoo taasi ku tilmaamay in ay tahay mid lagu farxo,waxaana dhinacyadii uu la kulmay ay ballan qaadyo u sameeyeen maamulka Puntland
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya