Madaafiic khasaare kala duwan geystay oo maanta ku dhacay gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha

Arbaco, May 18, 2011 (HOL) Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay 10-qof oo kalena way ku dhaawacmeen madaafiic ay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ku garaaceen maanta baqadii suuqa weyn ee Bakaaraha, iyadoo duqeyntan ay barbar socodeen iskahorimaadyo goos-goos ah.

Goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay HOL in madaafiicdan ay intooda badan ku dhaceen jidka koowaad iyo midka la baad ee suuqa, halkaasoo ay dadka shacabka ahi ku dhinteen.

"Madaafiic fara badan ayaa kusoo dhacay suuqa maanta waxaana arkay geerida toddoba qof iyo dhaawaca in ka badan 10-qof oo ay gaadiidka gurmadka deg-degga ahi qaadayeen," ayuu yiri goobjooge ku sugan suuqaas.

Duqeyntan ayaa waxay saameyn ku yeelatay ganacsiga suuqa Bakaaraha oo ahaa mid maalmihii ugu dambeeyay gabis ku jiray, kaddib dagaallo u dhexeeyay ciidamada DKMG, AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab oo ka dhacayay hareeraha suuqa, waxaana dadka ku sugan suuqa Bakaaraha ay sheegeen in sidoo kale ay suuqa ku dhacayso rasaas badan.

Iskahorimaad u dhexeeya dhinacyadan oo barbar socday duqeymahan ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, gaar ahaan inta u dhexeysa waddooyinka Wadnaha iyo Maka Al-Mukarama iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.

Ganacsiga suuqa bakaaraha ayaa intiisa badan la xiray kaddib markii ay madaafiicdu ku hoobatay iyadoo goobjoogayaasha ku sugan ay sheegeen in ganacsatadii ku sugnaa suuqaas ay ka baxayaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya