Arbaco, May 18, 2011 ( HOL ) - Tartan loo qabtay dadka sawira Sawir Gacmeedka ee loo yaqaano ( Cartoonists ) ayaa waxaa kaalinta labaad ka galay Aamiin Caamir oo lagu yaqaanno inuu dhanka sawirrada Cartoonka ku soo bandhigo xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya.

Alphonce Omondi, 1st Prize
Tartanka waxaa kaalintaa 1-aad ka galay Cartoonist u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Alphonce Omondi kadib markii uu sawiray sawirro dhammaantood ku saabsan qof loo ekaysiiyay mid ka mid ah dagaal-yahannada Xarakada Alshabaab oo dhaleecaynaya reer galbeedka.

Amin Amir, 2nd Prize
Toban kamid ah dadka sawir gacmeedka wax ku sawira oo Soomaali ah
ayaa tartankaan markii ugu horreysay ka qayb galay , waxaana nasiib wanaag kaalinta 2-aad ku gulaystay guud ahaanba qaaradda Afrika Aamiin Caamir oo ah Soomaali ku nool dalka Canada.
Dhammaan sawirrada tartanka lagu galay waxaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyadoo Cartoonist-yaashu ay qaarkood muujiyeen in Xarakada Alshabaab ay caqabad ku tahay nabadda halka qaar kalana ay liddi ku ahaayeen siyaasadda DKMG ah ee Soomaaliya.

Damien Glez, 3rd Prize
Tartankan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa waxaa kaalinta 3-aad ka galay Damien Glez oo u dhashay dalka Burkinafaso.
Axmed Cabdisamad Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi - Kenya