Arbaco, May 18, 2011 (HOL) – Xidhibaanno maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa ku tilmaamay xirnaashaha xarunta baarlamaanka mid looga dan leeyahay in lagu baabi'iyo jirtaanka baarlamaanka.
Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen in xildhibaannada lagu qasbay inay shirar ku qabtaan hoteello ayna kasoo saaraan go'aanno, kaddib markii laga xirtay xaruntii ay ku shiri lahaayeen, waxayna guddoonka baarlamaanka ku eedeeyeen inuu mas'uul ka yahay xirnaashaha golaha shacabka.
"Xirnaashaha baarlamaanka waa mid lagu burburinayo jiritaankiisa, waana inay fikir mideysan ka qaataan xildhibaannadu ayna ka baxaan kooxeysiga ay ku jiraan, waayo waxa loo socdo waa in jiritaankooda la baabi'iyo," ayuu yiri mudane Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah mudanayaashii kulanka yeeshay.
Mudane Bootaan Ciise ayaa ku eedeeyay guddoonka baarlamaanka inay ka xirteen xubnaha baarlamaanka ayna badeen inay hoteellada ku shiraan, isagoo sheegay inay nasiib-darro tahay in hoggaankii ay doorteen uu ka xirto baarlamaanka.
Sidoo kale, xubnihii ka hadlay kulankii maanta ay xildhibaannadu yeesheen ayaa waxaa ka mid ahaa mudane Bood Cabdulle Magan, kaasoo sheegay in xubnihii kasoo horjeestay shirkii Nairobi ee aflagaada u geystay guddoomiyaha baarlamaanka ay maanta u ololeeyaan in shirkaas la dhameystiro, isagoo taas ku tilmaamay wax lala yaabo.
"Xildhibaannada marna shirkii Nairobi dhaliilay marna taageeraya waa kuwo aan maslaxad u hayn shacabka iyo dalka, waana lagu saxan yahay haddii la yiraahdo waxba ma dooran karaan," ayuu yiri xildhibaan Bood Magan.
Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xubnaha ku bahoobay kuladda dhexdhexaadka iyo badbaadinta Qaranka ayaa ka digay shirar go'aannada laga soo saarayo ee ay xilhdibaannadu ku yeelanayaan hoteellada, wuxuuna sidoo kale ugu baaqay madaxda sarsare ee DFKMG ah inay khilaafkooda u xalliyaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya