Arbaco, May 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlmaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa isku dayaya inay xalliyaan khilaafka u dhexeeya oo salka ku haya doorasho dalka lagu qabto inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadkan.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay HOL in afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan uu ku booqday madaxweynaha gurigiisa shalay, halkaasoo ay labada mas'uul ku yeesheen shir saacado qaatay, basle wixii kasoo baxay aan loosoo bandhigin saxaafadda.
"Waxaan kuu xaqiijin karaa in shirka uu dhacay, balse aan weli la go'aansan in la shaaciyo wixii kasoo baxay," ayuu yiri mid ka mid ah howlwadeennada xafiiska madaxweynaha Soomaaliya, isagoo intaas ku daray inay labada mas'uul isaga soo dhawaadeen intii hore.
Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa baahinay xalay in kulankaas ku dhamaaday fashil, iyagoo sheegay in labada ma'suul uu mid walba istaagay halkii uu horay u taagnaa oo kala ahaa in doorashooyinka la qabto iyo in dib loo dhigo.
Balse, mas'uulkan ay la xiriirtay HOL ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaas isagoo xusay inaan loo ogoleyn inuu ka warbixiyo waxyaabihii kulankaas kasoo baxay, wuxuu sheegay inay jirto isku soo dhawaansho, balse aan loo ogoleyn isaga inuu ka warbixiyo kulankaas.
Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan shir jaraa'id oo Muqdisho uu ku qabtay wuxuu ku sheegay inay diyaar u yihiin inay ogol yihin in laga wadahadlo qaabka ay doorashadu u dhacayso, isagoo dhowr jeer oo horena sheegay inuu jiro khilaaf isaga iyo madaxweyne Sheekh Shariif u dhexeeya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa horay u dhaliilay muddo kororsiga baarlamaanka, isagoo ku baaqay in dib u eegi lagu sameeyo saddexda sano ee la kororsaday, lagana tashado muddo kororsiga hay'adaha kale ee dowladda KMG ah.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya