Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladda Somaliland, Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya


Arbaco, 18 May 2011 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha xidhiidhada Somaliland ee dalalka deriska, beesha Caalamka iyo wixii u qabsoomay muddo labaatan sannadood ah o ay jirtay, waxaanu baaq u jeediyay Maamul-gobolleedka Puntland iyo shacabka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta ka hadlayay Xuskii 18 May 2011 ee lagu qabtay Beerta Xorriyadda ee Hargeisa, waxa uu sheegay in muddo labaatan sanno ah oo ay Somaliland jirtay ay qabsoomeen waxyaabo kala duwan, "Waxa qarankan muddadaas u qabsoomay waxyaabo ay ka mid yihiin; nabadaynta iyo dib-u-heshiisiintii Beelaha ee ka dhacday goobo kala duwan, dhisiddii maamulka iyo dawladnimada Somaliland, samaynta dastuurka iyo xeerarka aasaaska u ah maamulka dawladnimo, abuurista iyo taabbo-gelinta Hayadaha dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalaha, sugidda ammaanka iyo suurtogelinta kala-dambaynta, fidinta maamulka iyo meel-marinta caddaaladda, samaynta Baasaboor iyo Lacag u gaar ah Somaliland, ilaalinta xorriyaadka iyo xuquuqda aadamaha, dhismaha hannaanka xisbiyada badan iyo qabashada Doorashooyinka, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, hagaajinta dekedaha, madaarada iyo waddooyinka, horumarinta dhaqaalaha iyo horumarinta suuqa xorta ah,"ayuu yidhi Axmed Siilaanyo. Waxaanu sheegay in intaas oo dhanba ay jireen caqabado kala duwan, laakiin lagaga soo gudbay isku-duubni.

Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayay arrimaha nabadgelyada, waxa uu shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan amniga o ay u midoobaan, "Waayo, waxaynu ku noolnahay mandaqad aad u xasaasi ah, runtiina dhibaatooyin hore inooga soo gaadheen,"ayuu yidhi Siilaanyo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in uu gogol nabadeed u fidiyay beelaha bariga Somaliland oo tabashooyin qabay, isla markaana qaar ka mid ahi ka aqbaleen oo ay kulmeen, qaar kalena ballansan yihiin, "Walaalahayga reer Somaliland ee ku nool gobollada bariga ee wali ay ku jirto qoonsimaadku, waxaan ugu baaqayaa, inay nabadgelyadu faaĆ­ido badan u leedahay horumarka dalka iyo dadka, waxaanan diyaar u ahay sidii aan horeba ugu baaqay inay sidii ugu taalo gogoshii nabaddu,"ayuu yidhi Siilaanyo.

Axmed-Siilaanyo wuxuu ka hadlay xaaladda ay ku sugan tahay guud ahaan Soomaaliya, waxaanu baaq u jeediyay siyaasiyiinta Soomaaliya, "Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliya inay u tudhaan dadkooda, danta bulshadana ka horraysiiyaan dantooda, xalkuna wuxuu ku jiraa inaad wada-hadashaan, inaad isu-tanaasushaan oo isku tashataan,"ayuu yidhi, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, "Waxaan dadweynaha Somaliland, dawlad iyo shicibba ku bogaadinayaa soo-dhawayntii wanaagnsanayd ee ay u sameeyeen dadka ka so qaxay Soomaaliya, waxaanan ku adkaynayaa in la xaq-dhawro, lana ilaaliyo."

Waxyaabaha kale ee uu ka hadlay Axmed-Siilaanyo waxa ka mid ahaa, xidhiidhka Somaliland iyo Puntland, "Maamul-gobolleedka Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya oo xasiloon, waxaanan jeclahay in aanu iskaashi ka wada-yeelano dhinacyada nabadgelyada, la-dagaallanka budhcad-badeedka iyo argagixisada, ganacsiga, waxbarashada, Caafimaadka iyo horumarka. Balse, wax wada-hadal iyo gorgortan ah kama ogolin xuduudaha Somaliland, waana lama taabtaan,"ayuu yidhi.

Gebo-gebadii, wuxuu Madaxweynaha Somaliland beesha Caalamka ugu baaqay inay aqoonsato Somaliland, waxaanu sheegay inay Somaliland buuxisay shuruudihii Dawladnimo.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland