Arbaco, May 18, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa booqday shalay xarun loogu talagalay in lagu soo dhaweeyo dhalinyarada kasoo goosta kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha ayaa waxaa ku ku wehliyey booqaashadan wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha Ibraahim Yaroow Isaaq, talliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Shariif Sheekhuna May, ku xigeenka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Wafula Wamunyinyi iyo Jen. Nathan Mungisha oo ah taliyaha ciidamada Midowga Afrika.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh ayaa sheegay in xaruntan lagu daryeeeli doono dhallinyarada sida isdaba-joogga ah uga soo baxsaneyso Al-Shabaab. Xaruntan ayuu madaxweynuhu balanqaaday inay dhallinyarada ka heli doonaan daryeel isugu jiro waxbarasho, caafimaad iyo nolol ka wanaagsan tii hore ay u heysteen.
Ugu danbeyntii madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay dhammaan hay'adaha iyo dadkii gacanta ka geystay dib u dhiska xaruntan.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Moqdishu, Somalia
[email protected]