Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ayaa mar kale ku celiyay in la joojiyo colaadda ka taagan deegaanka Kalshaale, iyagoo ugu baaqay dhinacyada ay colaaddani khuseyso inay qaadaan taallaabooyin ay dagaalka ku joojinayaan.
"Waa laga soo gudbay xilligii ay Soomaalidu u dagaalami jirtay beel-beel, waxaa ku baaqaynaa in colaadda Kalshaale sida ugu dhaqsiyaha badan lagu xalliyo," ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Kuliye Xirsi (C/raxmaan dheere) oo ku hadlayay afka xildhibaannada baaqan soo saaray.
Deegaanka Kalshaale ayaa waxaa shalay ka dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay malleeshiyo taageersan ururka SSC iyo ciidammo ka tirsan maamulka Somaliland, iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimashada 20-qof oo isugu jira dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay iyo dhaawac intaas ka badan.
"Maanta lama joogo waqti dhiigga Soomaalida la daadiyo, cadow ayaa maanta na haysta, kaasoo loo baahan yahay in la isku garabsado, sidaa daraadeed waa in la joojiyo dagaalka," ayay xildhibaannada baaqan soo jeediyay ku sheegeen shir ay saxaafadda u qabteen.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna maanta soo saartay baaq ay kaga codsanayso dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo inay xal ka gaaraan colaadda, iyadoo la sheegayo in maanta ay xisaad dagaal ka taagan tahay deegaanka Kalshaale.
Baaqyada lagu dalbanayo in colaadda Kalshaale la joojiyo ayaa ah kuwo isa soo taraya, iyadoo waxgaradka, culummada iyo qaybaha kale ee bulshada ay ku baaqayaan in colaaddaas sida ugu dhaqsiyaha badan lagu joojiyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya