Talaado, 8, Feberaayo, 2011 (HOL)-Wasiirka kalluumaysiga Puntland Inj. Maxamed Saalax Aadan oo maanta la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanka Kalshaale, isaga oo ku sugan degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.
"Khasaaraha ka dhashay dagaalka waxa uu ahaa mid badan ,balse waxaa jira dad la dawaynayo oo ciidamada Somaliland ay xasuuqeen "ayuu yiri wasiirka oo dhinacyo badan ka hadlay.
Wasiirka ayaa sheegay in Puntland ay difaacayso gobolkeeda hadii aysan Somaliland fara galinta ka dayn ,isagoo oo wax laga xumaado ku tilmaamay odayaal uu sheegay in deegaanada dagaalladu ay ka dhaceen lagu laayay.
"Waxaa muqadas ah in Puntland ay difaacdo dhulkeeda ,balse kuuma sheegi karo in aan dagaal galayno "ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Saalax Aadan. Wasiirka ayaa sheegay in booqashada ay ku yimaadeen Buuhoodle ay tahay mid ay ku qiimnaynaan khasaaraha ka dhashay dagaalladii Kalshaale iyo abaaraha si biyo dhaamin loo sameeyo.
Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Somaliland oo maanta isna la hadlay BBC-da ayaa ugu baaqay Puntland in ay fara galinta ka joojiso dagaallada ka soconaya Kalshaale.
"Puntland hadii aysan faragalinta joojin uma dulqaadan doono oo waan iska dhicin doonaa "ayuu yiri wasiirka oo ay ka muuqatay caro aad u daran oo la xiriirta dagaallada halkaasi ka dhacay.
Ugu danbayntii maaamulada Puntland iyo Somaliland ayaa iminka qarka u saaran in ay ku dagaalamaan halkaasi,waxaana isa soo taraya cabsida dagaallo mar kale ka qarxa goobihii shalay lagu dagaallamay.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya