Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Maxmaed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka taleefoonka uga qaybqaatay xaflad lagu qabtay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, taasoo dhaqaale loogu ururinayay ciidanka dowladda.
Xafladan oo billaabatay habeen hore, ayaa shacabkii kasoo qaybgalay waxaa laga dalbaday inay garab istaagaan ciidamada DKMG ah, iyadoo ay sidoo kale fadhiyeen masuuliyiin ka tirsan DKMG ah ee Soomaaliya oo uu ka mid ahaa la taliyaha ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Mr. C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yarisow).
"Ciidammada xoogga dalka waa waardiyaha dalka Soomaaliya, isla markaana ma jirto qof ay si gaar ah ugu adeegaan, waxaana ciidammadii xoogga dalka horay u kala diray kuwo lala xisaabtami doono," ayuu yiri afhayeenka Ahlusunna ee Qaaradda Yurub Maxamed Abuukar Xuseen (Awliyo).
Raiisul wasaare Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kasoo qaybgalayaashii xafladda ugu sheegay khadka taleefoonka in dalka Soomaaliya uu leeyahay khayraad ku filan dadka oo dhan, qof walbana looga baahan yahay inuu dhexda u xirto sidii khayraadkaas dahan dibadda loogu soo saari lahaa si looga faa'iideysto.
"Ciidammada xoogga dalka waxay diyaar u yihiin inay dalka difaacaan, kii dhaawac uu soo gaaro ama kii dhinta beeshiisa ayaa duugan jirtay, laakiin maanta taas waa laga gudbay, waxaana diyaar u nahay inaan soo celinno mustaqbalka ciidanka, xarumihii agoonta iyo goobihii waxbarashada," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo ka hadlayay hamiga dowladda ku aaddan nabadeynta Soomaaliya.
Barnaamijkan ayaa waxaa sidoo kale khadka taleefoonka uga qaybqaatay abaan-duulaha ciidanka xooga dalka Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan), isagoo sheegay in dadkii abaabulay xafladdan ay la mid yihiin 13-dhalliyaro ee leegada, kuwaasoo bilow u ahaa in Soomaaliya laga xoreeyo gumeystihii Talyaaniga.
"Qofka u istaagay dib u soo celinta dhismihii ciidanka xoogga dalka waa madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, askari walba oo ciidammada ka tirsanna wuxuu doonayaa inuu u dhinto dalkiisa iyo dadkiisa," ayuu yiri Dhego-badan.
Shacabkii ka qaybgalay barnaamijkan lagu taakuleynayay ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ayaa u dheg raaricinayay khadubadaha madaxda dowladda ay tooska iyo taleefoonka uga jeedinayeen, waxaana xubnihii ka hadlay ka mid ahaa la taliyaha raii'sul wasaaraha DKMG ah Inj. Yariisow, isagoo sheegay in dowladda KMG ay ku rajo-weyn tahay inay dalka ka saarto xaaladda adag ee uu ku jiro.
Inj. Yariisow oo jagooyin dhow ah kasoo qabtay dowladda Soomaaliya ayaa xusay in dadka dibadaha ku nool looga baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Munaasabadan lagu taageerayay ciidammada DKMG ah, ayaa waxaa sidoo kale hadallo kala duwan ka jeediyay saraakiil horay uga tirsanaan jiray ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaasoo uu ka mid ahaa Col. Maxamed Aadan isagoo xusay in dalka walba uu wax ku yahay ciidankiisa.
Xaflada ayaa intii ay socotay waxaa ka dhex-muuqday caruur ku ururinayay kaalmo lacageed caagag ay wateen, taasoo loogu talogalay in lagu taageero ciidanka XDS, waxaana tallaabadan ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo lagu taakuleeyo ciidanka xoogga dalka laguna qabto dalka dibaddiisa.
Hiiraan Online, News Desk