Khilaaf salka ku haya dowladda Soomaaliya oo soo dhexgalay culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca

Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Wararka laga helayo gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro khilaaf soo dhexgalay mas'uuliyiinta Ahlusunna Waljmaaca, kaasoo ka dhashay in dowladda Soomaaliya ay ka howlgasho deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Khilaafkan ayaa la sheegay inuu gundhig u yahay is-maandhaaf soo dhexgalay guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusunna Sheekh Maxmaed Yuusuf Xeefow iyo madaxa gaashaandhigga ee Ahlusunna Deeq Sheekh Yuusuf Direed, kaasoo sababay in ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna ay aagaagga dagaalka ka baxaan.

"Guddoomiyaha fulinta Ahlusunna, wuxuu soo jeediyay in xubno ka tirsan dowladda ay ka howlgalaan deegaannada ay ka taliyaan, taasoo uu diiday madaxa difaaca ee maamulkaas, waxaana jira shirar hoose oo arrintan lagu xallinayo," ayuu yiri mas'uul ka tirsan Ahlusunna oo saxaafadda Muqdisho si hoose ula hadlay.

Mas'uulkan oo diiday in magaciisa la isticmaalo ayaa sidoo kale sheegay in shir looga hadlay arrintan oo ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Wardheer ee deegaanka ismaamulka Soomaalida Itoobiya uu fashil ku dhammaaday, taasna ay keentay in xubnaha Ahlusunna ay labada mas'uul ee khilaafku ka dhashay la kala saftaan.

"Ahlusunna iyada ayaa arrimaheeda laga doonayaa inay xalliso," ayuu si kooban u yiri guddoomiyaha golaha shuurada Sheekh Cumar C/qaadir Aadan oo saxaafaddu ay wax ka weydiisay khilaafka sii baahaya ee ka dhex-dhashay ururkooda.

Inkastoo, mas'uuliyiinta Ahlusunna aysan si shaacsan uga hadlin khilaafkan ayaa haddana wuxuu saameyn xooggan ku yeeshay howlaha kooxdan oo ay gacan ku haynta gobolka Galguduud isku hayaan Xarrakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Culummaa'udiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa sannadkii hore heshiis la galay DKMG ah, kaasoo ay sheegeen mas'uuliyiinta kooxdan inuu burburay kaddib markii la fulin waayay qodobbadii ugu muhiimsanaa.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay saraakiil u soo dirtay xallinta khilaafkaas, inkastoo mas'uuliyiinta Ahlusunna ee sida hordhaca ah uga hadlay khilaafkan ay ka gaabsadeen inay arrintaas ka hadlaan ama ay faahfaahin ka bixiyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya