Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) � Maxkamad ku taalla magaalada Cadan ee dalka Yemen ayaa shalay oo Isniin ahayd ku xukuntay wiil Soomaaliyeed shan sano oo xabsi ah, kaddib markii lagu helay fal burcadbadeednimo, waxaana maxkamaddu ay sii daysay lix dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo dambi lagu waayay.
Maxamed Cali Saalax Ciise oo ah wiilka la xukumay ayaa lagu eedeeyay inuu bishii November ee sannadkii 2009 uu markab ka afduubay meel ku dhow xeebta gobolka Xatral-muut ee dalka Yemen, waxaana la sheegay in afduubka ay gacan ku siiyeen koox dhallinyaro ah oo aan tiradooda la sheegin.
Lix dhallinyaro ah ayay maxkamaddu sii-daysay kaddib markii ay sheegtay inay ku waday wax dambi ah, waxaana dhallinyaradan ay maxkamadda ka hor sheegeen inay yihiin qoxooti aan waxba kala socon dambiga loo haysto.
Qofka la xukumay iyo lixd qof ee lasii daayay ayaa waxaa soo qabtay ciidammada badda dalka Yemen bishii April 2010, iyagoo xabsi ku jiray muddo sagaal bilood ah. Waxaana maxkamadda la horkeenay hub la sheegay in ruuxa la xukumay uu falka ku galay.
Bishii lasoo dhaafay, maxkamad ku taalla isla gobolkan Xatral-muut ee dalka Yemen ayaa ku xukuntay 13-dhallinyaro Soomaaliyeed ah xabsi min 12-sano ah, kaddib markii lagu helay falal burcadbadeednimo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya