Hay'adda SOYDEN oo warsaxaafadeed ay soo saartay ku beenisay hadalkii kasoo baxay dalladda SOSCENSA

Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed ay maanta soo saartay hay'adda isku-xirka iyo horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN, ayay ku beenisay inay ka qaybgashay kulankii SOSCENSA ay ku qabatay hotel Ambassador ee magaalada Muqdisho, kaasoo ku saabsanaa fikirkii ay kaga qaybqaadanayeen qabya-qoraalka dastuurka Soomaaliyeed, kaasoo lagu xusay inay dhallinyaradu ka mid ahaayeen.

"Waxaan saxaafadda gudaha iyo midda dibadda u caddeyneynaa in hay’adda SOYDEN aysan waxba ka ogeen shaqana ku lahayn kulammada looga hadlayay qabyo-qoraalka dastuurka, sidoo kalena aysan jirin cid uga qaybgashay dhallinyarada Soomaaliyeed, wax aan ka naqaana aysan jirin," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay'adda SOYDEN ayaa waxay sidoo kale ku sheegtay qoralkeeda inay nasiib-darro tahay in laga been abuurto dhallinyarada Soomaaliyeed, iyadoon aan lagala tashan lagana qayb-galin arrimaha noocaan oo kale ah.

"Dhallinyarada Soomaaliyeed ma ahan in mar waliba magacooda la-wasaqeeyo, lagana dhigo cid aan istaahilin inay cabbiraan fikirkooda kana hadlaan aayahooda, waayo waa laf-dhabarta bulshada waana muwaadiniin xaq u leh in iyadoo aan la matalayn ay fikirooda ka dhiibtaan waxa dalka ka socda iyo waxay ka aaminsan yihiin," ayaa sidoo lagu yiri warsaxaafadeedka.

Hay'adda SOYDEN, waa dallad ay ku kulansan yihiin 11-urur dhallinyaro oo ka shaqeysa koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana la aasaasay 17-Oktoobar 2002.

SOYDEN ayaa sidoo kale warsaxaafadeedkeeda ku tiri: "Hay'adda SOSCENSA waxaan u sheegaynaa in dhallinyarada Soomaaliyeed ay malatalaan ururro, ayna iska indho-tirayso in SOYDEN ay tahay hay'adda ururrada aan dowliga ahayn u matasha dhallinyarada, waxaana shaqsiyaadka qaaska ah ee howsha u wada uga digaynaa inay mar kale sheegtaan dhallinyarada inay ka qaybgaliyeen kulammada iyadoo aan la ogeysiin hay'adda SOYDEN oo u matasha dhallinyarada ururrada aan dowliga ahayn."

Hay'adda SOYDEN, waxay sidoo kale ku eedeysay SOSCENSA inay dad kala duwan ka keenaan gobollada oo dhan, balse ay tegi waayeen xafiisyada ku yaalla goobaha ay wax ku qabanayaan ee magaalada Muqdisho.

"Taas waxaan u aragnaa inay tahay u bareerid cad oo loo bareeray in dhalinyarada ay SOSCENSA iska sheegato iyadoo aan waxba warsan, sidaasna ma ahan sida loo abuuray," ayay SOYDEN ku tiri warsaxaafadeedkeeda.

Ugu dambeyn, waxaan ugu baaqaynaa dhammaan guddiyada Qaranka iyo hay’adaha daneeya inay wax ka ogaadaan aaraada iyo fikirada dhallinyarada inay si toos ah ula fariistaan una ogaadaan dhallinyarada codkooda iyo fikirkooda, waayo sidaas ayaa wax-tar u leh cid waliba oo rabta inay wax ka qabato dalka heshana waxa dhallinyaradu rabaan xiligan adag inuu dalku noqdo iyo siday rabaan in lagu gaaro.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya