Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Burcadbadeed Soomaaliyeed ayaa maanta afduub ku qabsaday markab nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Talayaniga iyo 22-shaqaale ah oo la socday, kuwaasoo intooda badan u dhashay dalka Hindiya.
Afhayeenka ciidammada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan xeebaha dalka Soomaaliya, Paddy O'Kennedy ayaa sheegay in markabkan oo lagu magaacabo MV Savina Caylyn lagu afduubtay aroornimadii hore ee maanta oo Talaado ah bariga jasiiradda Socotra.
"MV Savina Caylyn waxaa weeraray shan burcadbadeed oo watay dooni dheereysa, waxayna intii uu weerarku socday ay ku fureen rasaas iyo garneylo uu baasuukuhu ka mid yahay," ayuu yiri O'Kennedy.
Markabkan oo culeyskiisu yahay 104,255, ayaa ku socday dalka Malaysiya isagoo kasoo shiraacday dalka Suudaan, waxaana kooxaha afduubay ay u soo jiheeyeen dhanka xeebaha Soomaaliya.
"Shaqaalaha markabka la socday oo tiradoodu ahayd 22-qof, shan ka mid ah waxay u dhasheen Talyaaniga, 17-qof ee kalena waxay u dhasheen dalka Hindiya, wax war ahna lagama hayo xaaladooda" ayuu yiri afhayeenka ciidanka la dagaalanka burcadbadeedda.
Mr. O'Kennedy ayaa sheegay in kooxaha burcadbadeeddu ay markabku u jiheeyeen dhanka Soomaaliya, uuna ka mid noqonayo maraakiibta iyo badmaaxiinta lagu haysto xeebta dalka Soomaaliya.
Hay'ad ka shaqeysa nabadgalyada badaha calaamka ayaa sheegtay in burcad-badeedda Soomaaliyeed ay bishii Jannaayo ee sannadkan oo keliya qaadeen 30-weerar oo ay qaarkood ku guuleysteen qaar kalena ay ku guuleysan waayeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya