Talaado, 08 Feberaayo, 2011 (HOL) – Ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) ayaa soo gabagabeeyay howlgal baaritaan, daaweyn iyo dawo qaybin isugu jirtay oo ay u sameeyeen xoolaha u soo barakacay magaalada Muqdisho ee ka yimid gobolada dalka ee abaaruhu ku dhufteen kaasoo billowday bishii Janaayo 2011.
Kooxaha dhaqaatiirta xoolaha ee BENALPA ayaa adeeg caafimaad u fidiyay xoolo gaaraya 1,220-neef oo isugu jira lo', ari, geel iyo dameero la ildarnaa cudurro kala duwan oo isugu jira; gosha, caalka, candhada, gooryaanka iyo cudurro kale.
Howlgalka caafimaad wuxuu ka dambeeyay sahan uu sameeyay ururka BENALPA oo ka dhacay gobollada Banaadir iyo labada shabeelle, kaasoo loogu kuur-galayay xaaladda abaarta iyo saameynta ay ku yeelatay dadka iyo xoolaha. Sahankaaso o lagu soo ogaaday xaaladda dhabta ah ee xoolaha abaareysani ku sugan yihiin.
Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta xoolaha Banaadir (BENALPA) Drs. Nurta Sheekh Maxamuud ayaa gabagabadii howlgalka caafimaad oo lagu soo gunaanaday degmada Dharkeynley ee magaalada Muqdisho ka sheegtay inuu ururkooda u fidiyay adeeg caafimaad xoolo dhaqatada Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah xoolihii ay nolol ahaan ku tiirsanaayeen ka dhammaadeen, intii yarayd ee u hartayna ay isugu darsameen baad la’aan iyo cudduro.
Waxay intaas ku dartay inaysan jirin hay’ad ka kaalmeysay arrintan balse ay ku tabaruceen ururkooda BENALPA oo dhexdooda iska soo ururiyay lacago ay kusoo iibiyeen daawooyinka xoolaha, sidoo kalena ay dhaqaatiirta ururka fuliyeen daraasadda iyo daweynta xoolaha.
Drs. Nurta waxay ugu baaqday hay’adaha samafalka, wasaaradda xannaanada xoolaha iyo Soomaalida TFG-da iyo Soomaalida dibadda ku nool inay taageero u fidiyaan dadka soo barakacay ee iyaga iyo xoolahoodu ay abaartu saameysay.
Guddoomiyaha Ururka Dhaqaatiirta Xoolaha Banaadir Drs. Nurta waxay sidoo kale sheegtay inay tahay arrin cusub oo weli aan dhicin barakac ay magaalada Muqdisho u soo barakacaan xoolo, halkii ay dadka u soo barakici jireen magaalada, xoolaha abaarsaday ayay sheegtay inay ugu daran tahay lo’ada oo aad ugu nugul abaarta.
"Dadka aan halkan ku aragnay iyo xoolahooda waa dad aad u liita oo dhinac waliba u baahan in laga taageero, waxaan ugu baaqaynaa dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool, hay’adaha samafalka iyo cid kasta oo wax qaban karta inay dadkan dhibaateysan taageero u fidiso," ayay cod dheer ku tiri Drs. Nurta Sheekh oo ka dayrisay xaaladda dadka abaartu saameysay oo ay sheegtay iyaga iyo inta xoolahooda ka hartay baabi’i doonaan haddaan deg-deg wax looga qaban. Allena raxmadiisa ugu deeqin ummadda abaarsatay.
BENALPA waa urur ay leeyihiin xirfadleyda dhaqaatiirta Xoolaha ee Banaadir oo la aasaasay sannadkii 2002-dii; waxayna xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho wuxuuna u taagan yahay horumarinta wax soosaarka iyo caafimaadka xoolaha Soomaalida.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiran Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya