Talaado, 8, Feb, 2011 (HOL) Maamulka Xarrakada Al-shabaab ee goballka Hiiraan oo tan iyo markii ay bilaawdeen Abaaraha ku dhuftay deegaanno badan oo ka tiran goballka Hiiraan waday rumadyo wax loogu qabanayo dadka ku dhaqan dhulka Miiga ah Abaartu saameysay ayaa wali ka wada qeybo badan oo ka mid ah goballka dadaalo lagu taakuleynayo dadka dhibaateysan.
Saacadihii ugu danbeeyay ayee guddiga maamulka Xarrakada Al-shabaab ay sareen wax ka qabashada xaaladaha Abaarta waxaa ay deeq isugu jirta noocdayda kala duwan ee raashin-ka waxaa ay gaarsiiyeen Tuulooyinka Ceel-cali, Buq-aqablle, Moqokori, iyo waliba deegaannada hoos taga degmada Buula-burte, waxaana xusid mudan in deeqdaasi ay ka faa'ideysteen dadkii Abaartu saameynta ku yeelatay.
Sida uu HOL u sheegay mid ka mid ah guddiga Abaaraha maamulka Xarrakada Al-shabaab ee goballka Hiiraan waxaa sidoo kale jira in maata ay soo gaareen magaalada Beledweyne gadiid u sida deeq loogu talagalay dadka Abaaruhu ku dhufteen, kuwaasoo la doonayo in loo qeybiyo Tuulooyinka hoose yimaada degmada Beledweyne, kuwaasoo laftirkooda ay ka jiraan xaalado dhinaca nolasha ah.
Dadka ilaa hadda helay deeqda ay gaarsiiyeen guddiga Abaaraha maamulka Xarrakada Al-shabaab ee goballka Hiiraan ayaa siweyn u soo dhaweeyay kaalamada la soo gaarsiiyay, waxaana ay sheegeen in walow aysan wada daboolin baahida jirta haddana kaalmadaasi wax weyn ka tartay xaaladaha dhinaca nolasha ah ee heysata.
Sidoo kale marka laga soo tago kaalmada maamulka Xarrakada Al-shabaab ay u fidinayaa dadka abaaruhu saameeyaan waxaa iyaguna gacan mug leh ka geystay u samafalka dadkaasi Jaaliyaddaha dibada oo qeyb weyn ka qaatay sidii loo gar gaari lahaa dadkaasi dhibaateysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya