Qiimihii Guurka ee Hoos loo dhigay oo noqday mawduuca loogu hadal haynta badan yahay Somaliland

Axad, December 04, 2011 (HOL) − Qiimaha hoos loo dhigay ee Guurka ayaa waxa ka dhashay muran iyo dood weyn oo baryihi u dambeeyey lagu la-fogurayey meelaha ay dhalinyaradu iskugu yimaadaan.

Qiimo dhimistan lagu sameeyey kharashka ku baxaya dadka isguursanayaa ayaa dadweynaha Somalilaland aragtiyo kala duwan ka bixiyeen, inta badan dadweynaha Somaliland ayaa aad usoo dhoweeyey go’aankan ay soo jeediyeen guddida wanaagfarista iyo xumaan reebista, waxaanay u arkeen inay dhalinyarada gidaarkii kaga xidhnaa guurka ay u fududaanayso, halka dad badan oo u badan haweenka ay arrintaasi u arkeen mid nusqaan ah, kuwaas oo u arkay inay haybadoodii la waxyeelay isla markaana aanay suurtogal ahayn in qiimo yar lagu soo koobo Guurka.

Axmed Maxamed waa wiil dhalinyaro ah kana soo qalinjabiyey jaamacada Hargeysa balse aan hayn wax camal ah, waxa uu si weyn u taageeray go’aanka qiimaha guurka lagu jabiyey "Aad ayaan u taageeraya, maanta nin dhalinyaro ah oo doonaya inuu guursado ma awoodi karo kharashka faraha badan ee ku baxa Guurka, sidaa darteed dhalinyaro badan oo aan ku jira waanu ka haajirnay guurka maadaam oo uu hadda qaaliyoobay."

"Horta waxa la dhimay waa kharashka ku baxay guurka, meherka labada qofna waa mid u gaar ah laba qof ee isguursanaya waxay ku heshiinayaan, marka uma arko wax dhibaato ah, waana soo dhowaynayaa qiimaha hoos loo dhigay ee guurka" sidaas waxa yidhi Maxamed Xaamud oo ka tirsan dhalinyarada reer Hargeysa.

Inkastoo ay dhalinyarada wiilasho isku aragti dhow yihiin hadana arrintaasi mid ka soo horjeeda waxa aaminsan haweenka, kuwaas oo dhiilay go’aanka qiimaha guurka lagu jabiyey "Inaan lagu soo tabcay oo gurigooda joogta in la yidhaa 150 dollar ha lagugu guursado khalad baan u arkaa, labada ruux waxay ku heshiiyaan iyagay u taalla laakiin maaha in lagu qasbo oo go’aan dhakada lagaga keeno" sidaas waxa ku dooday Hodan Yaasiin.

Ruqaya Faarax waa gabadh dhalinyaro ah dhigatana Jaamacada Hargeysa, waxaanay ku doodaysaa in qiimaha hoos loo dhigay furiin badan keeni karo " Horta waa in la eegaa dhibaatadda uu keenayo guurka fududi iyo qiimahan hoos loo dhigay, waxa iman doonto in guurku fududaado oo qofka kolba gabadha uu doono intuu guursado hadana iska furo, maadaama oo aanay marka horaba qiimo badan ku soo galin, shay marka uu qiimo badan kugu joogo waa la ilaaliyaa balse haddii uu si fudud kugu soo galo dan kama galasid, dhalinyartuna inta badan masuul ma wada ah, marka dhibaato ayey keeni karta."

Sikastaba ha ahaatee, arrintan ayaa dood adag ka dhex dhaliyey bulshada qaybaheeda kala duwan, kuwaas oo qaarna soo dhowaynayaan qaar kalana aanay ku faraxsanayn.

Inta badan kharashka guurka ku baxa Somaliland ayaa ah mid aad u badan, kaas oo lagu qiyaasay kharashkaaasi in ka badan toban kun oo dollar inay ku baxaan yagleelka guriga cusub marka la isku wadda daro guurka ilaa aqabka guryaha la dhigayo.

Arrintan Guurka qiimaha lagu yaraynayo ayaa markii ugu horeysay waxa bishii November 18-keeddii soo bandhigay HOL oo waraysi gaar ah la yeeshay guddoomiyaha guddida Wanaag farista iyo Xumaan reebista Xaaji Dool, waxaanay sheegeen in $150 dollar laga dhigo qiimaha gabadha lagu doonayo, isla markaana la joojiyo kharashaadkii ku bixi jiray ee arooska sida gaadiidkii faraha badnaa iyo hoteeladii la kiraysan jirayba.

Arrintan ayaa noqotay mawduuca loogu hadal haynta badan yahay Somaliland, inta badana laga doodo meelaha ay bulshaddu iskugu timaado.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland