Axad, December 04, 2011 (HOL) − Guddiga qabanqaabada koobka adduunka ee lagu qabanayo dalka Qatar sannadka 2022 ayaa dhaqaale gaaraya 400,000 oo dollar ugu deeqay dadkii ku macluulay abaarihii ku dhuftay Koonfurta Soomaaliya.
Guddigu waxay sheegeen in dhaqaalahan ay ka ururiyeen ciyaar saaxiibtinimo oo magaalada Dooxa ee dalka Qatar ku dhexmartay 14-kii November xulalka Baraasiil iyo Masar, taasoo ay daawadeen 25,000 oo qof.
"Waxaan fikirkaan dhaqaalaha aan ku ururinayno helnay sannadkii taariikhiga ahaa marka loo eego dalkeenna, waxaana go'aansannay in dhaqaale lagu caawiyo dadka ku dhibaateysan Soomaaliya ku wareejinno hay'adda Qatar Charity," ayuu yiri xoghayaha guud ee guddiga qabanqaabada koobka adduunka ee Qatar, Xasan Al-Thawadi.
Dalka Qatar ayaa ku guuleysatay tartan ay qabtay FIFA oo ay dalal badan u galeen matirgelinta koobka kubadda cagta ee dunida sannadka 2022, iyadoo ay Qatar ku guuleysatay, waxaana guddigan ay billaabeen diyaargarowga marti-gelinta koobka adduunka ee xilligaas.
"Tani waxay ahayd fikir aan ku doonaynay inaan ku meel-marinno in awoodda kubadda cagta lagu bedelo xaaladaha dadka ku nool dunida," ayuu Al-Thawadi u sheegay warbaahinta isagoo ku sugan Dooxa.
Ciyaartii saxiibtinimo ee dhexmartay dalalka Baraasiil iyo Masar ayaa waxay ku dhammaatay 2-0 ay guushu ku raacday xulka dalka Baraasiil, iyadoo ciyaaryahan Jonas Oliviera oo u ciyaara dalka Baraasiil uu xulka dalkiisa u dhaliyay goolkii ugu horreeyay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya